Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray tallaabadii uu maanta qaaday Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa si weyn u soo dhaweeyay tallaabadii uu maanta qaaday Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee qeybta ka aheyd dib usoo celinta xiriirkii xumaa ee Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta dowladda Imaaraadka ka raali-galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacag laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, xilli uu dowladda Imaaraadka Carabta ka guddoomay deeq gargaar ah, oo ay ugu talo gashay caawinta dadka abaartu saameysay.

Golaha ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay dadaalka uu dib ugu hagaajinayo xiriirkii sanadihii dambe la xumeeyey ee Soomaaliya kala dhaxeeyey dowladaha Carbeed ee aan walaalaha nahay oo ay ugu horeyso dowladda Imaaraadka Carabta.

“Golaha Midowga Musharaxiintu, wuxuu uga mahadcelinayaa dawlada Isu-taga Imaaraadka Carabta deeqda ay maanta soo gaarsiisay dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu wax-yeelleeyeen,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Golaha ayaa adkeeyay muhiimada xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, ayaga oo xusay in sanadkii tagay dalkeena uu dhexmaray ganacsi ka badan 1.7 bilyan oo dollar.

“Imaaraadka waxa kale oo ay xarun u tahay Shirkadaha, Xawaaladaha iyo ganacsiga Soomaaliyeed,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Golaha Midowga Musharaxiinta.

Ugu dambeyntiina waxa uu Golaha ku booriyay dowlada Imaaraadka Carabta inay dib u soo celiso kabkii miisaaniyadeed ee dalka, adeegii caafimaad iyo fududeyntii dal ku galka.

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu maanta ballan qaaday in dowladda Imaaraadka uu dib ugu wareejin doono lacag bishii April 2018 looga qabtay garoonka Muqdisho.

Xukuumadda Rooble ayaa xiligan waxaa ka go’an xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah, oo xiriirkooda uu xuma sanadihii u dambeeyay, oo sida la fahamsan yahay uu horseed u ahaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.