Rooble oo raali-gelin siiyey Imaaraadka, una celinaya lacagtii lagala wareegay 2018

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dowladda Imaaraadka ka raali galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacag laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde.

Rooble ayaa hadalkan lama filaanka ah maanta ka sheegay Muqdisho, xilli uu dowladda Imaaraadka Carabta ka guddoomay deeq gargaar ah, oo ay ugu talo gashay caawinta dadka abaartu saameysay.

Deeqda ayaa waxaa Rooble ku wareejiyey safiirka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho Maxamed Al-Cusmaani.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ballan qaaday in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda lagu wareejin doono dowladda Imaaraadka waqtiga ugu dhaw.

Rooble oo dowladda Imaaraadka uga mahad-celiyay garab istaaggeeda Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka go’atahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah.

Bishii April 2018, dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay lacag dhan 9.6 milyan oo dollar oo garoonka Muqdisho uga soo degtay safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho, taasi oo horseeday in Imaaraadka ay joojiyaan tababarkii ay siin jireen ciidamada Soomaaliya, xiriirka labada dalna uu gaaro meeshii ugu xumeyd.

Dowladda federaalka ayaa sheegtay lacagtaas in loogu talo-galay in arbushaad siyaasadeed looga sameeyo dalka, balse Imaaraadka ayaa ku dooday inay ugu talo-galeen mushaharka militariga Soomaaliya, oo qeyb ka mid ah ay xilligaas tababari jireen.

Tallaabada uu maanta uu qaaday Rooble, ee uu ku bixiyey raali-gelinta, ayaa muujineysa siyaasad cusub oo xukuumadda ay qaadatay, kadib markii Farmaajo uu xiriirka Imaaraadka Carabta u xumeeyey sababo la xiriira dagaalka kala dhaxeeya Qatar. 

Rooble ayaa tan iyo markii uu xafiiska yimid laba goor la kulmay safiirka Imaaraadka ee Muqdisho, waxaana muuqatay inuu isku dayayo inuu hagaajiyo xiriirka Abu Dhabi, oo muhiim u ah ganacsiga Soomaalida. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii