Maxaa dhici doono haddii illaa March aanay Soomaaliya dooran madaxweyne cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa hal sano dib u dhacday, wuxuuna dalka ku jiraa qalqal amni iyo mid siyaasadeed, waxaase hadda bannaanka timid dhibaatada dhaqaale ee kusoo wajahan Dowladda Soomaaliya haddii aan la helin doorasho.

Dakhliga ay gudaha kasoo xareyn jirtay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hoos u dhacday iyadoo ay dalal badan joojiyeen kabkii miisaaniyadeed oo ay siin jireen Soomaaliya Bishii December ee sanadkii dhammaaday.

Madaxda Dowladda Federaalka ah waxaa laga soo xigtay inay hayaan mushaarka shaqaalaha iyo ciidanka illaa Bisha March ee sanadkaan.

Haddaba wixii ka dambeeyo Bisha March maxaa dhici doona waa su’aasha ugu badan ee walaaca ku heysa dadka dowlad ku noolka ah?

Dhawaan safiirada dowladaha Caalamka waxay la hadleen madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Rooble labadaba, waxayna u sheegeen inay istaagi doonaan dhammaan kaalmooyinka la siiyo Soomaaliya wixii ka dambeeyo bisha March ee sanadkaan 2022 haddii aysan dhicin doorashada madaxweynaha  ugu dambeyn bishaas.

Sidoo kale, Talaadadii safiirada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya waxax la kulmeen Golaha wada-tashiga Qaran, waxay u sheegeen inay istaagi doonaan dhammaan kaalmooyinka wixii ka dambeeyo bisha March, waxayna ku adkeeyeen ahmiyadda ay leedahay in doorashada xubnaha golaha Shacabka, tan gudduunka iyo midda madaxweynaha in lagu qabto bisha March ee sanadkaan.

Reerka Galbeeddka waxay bixiyaan ku dhawaad 60% miisaaniyadda Xukuumadda Soomaaliya, kaalmada ciidamada AMISOM, horumarinta iyo daadajinta maamulada xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo caawimaad kale ayey reer galbeedku si joogto ah u bixiyaan taasoo ah shidaalka dhabta ah oo ay ku socoto dowladnimada Soomaaliya.

Inay arrimahaan istaagaan waxay culeys aan la qaadi karin ku tahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada intaba.

Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya waxay dhawaan isku dayday inay xirto miisaaniyadii 2021 si miisaaniyad cusub loo abuuro laakiin waa ku dhcii weysay maadaama ay ogtahay inay kaalmadu istaagi doonto wixii ka dambeeyo bisha March.

Xukuumadda waxay go’aansatay in miisaaniyadii sanadkii 2021 lasii durjiyo oo la gaarsiiyo illaa Bisha March oo xilligaas la xiro inta ka horeysana lagu shaqeeyo miisaaniyadii hore.