Amisom in lagu wareejiyo ammaanka madaxtooyada iyo arrimaha la rabo in lagu xaliyo doodda R/W Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka wada-tashiga Qaran ayaa sii socon doono maalmo kale kadib markii madaxda maamul Goboleedyada iyo Ra’isulwasaare Rooble isku raaci waayeen qodobkii uu Ra’isulwasaaraha ku dalbaday in lagu wareejiyo ammaanka guud ee Dalka.

Laba maalmood oo ay socotay dooda qodobkaan kadib hadda waxaa lagu balamay in wada-tashi hoose loo laabto oo caawa isku soo laabtaan dhinacyada.

Sida ay sheegeen xubno kamid ah madaxda Maamulada markii ay adkaatay dooda qodobkaan la xiriira waxaa loo gudbay in mowduuca la jajabiyo oo qeyb laga qaato qeybna la tuuro.

Tusaale, dhanka Ra’isulwsaaraha waxay keeneen dood ku saabsan sida la isku aamini karo oo madaxtooyada loogu wada shaqeyn karo iyadoo la ogyahay wixii dhacay 27 Bishii hore.

Iyadoo goluhu uu ka jawaabayo walaacaas amni waxaa miiska la keenay aragti ah in ciidanka AMISOM lagu wareejiyo ammaanka guud ee madaxtooyada oo banaanka loo soo saaro dhammaan ciidamada Soomaalida ah ee labada Nin kala taabacsan si meesha looga saaro cabsida ku saabsan inuu Farmaajo mar kale isku dayo wax la mid ah talaabadii foolxumada aheyd ee uu qaaday.

In ciidamkoada Soomaalida ah la geeyo Koontaroolada bannaanka ah ayaa ku jirtay dooda. Sida ay wararku sheegayaan dhanka Ra’isulwasaaraha ma diidin aragtidaas, laakiin lama oga inuu Farmaajo aqbali doono in dhammaan ciidamada Soomaalida ah laga saaro gudaha madaxtooyada.

Waajibaadka AMISOM waxaa kamid ah inay sugaan Amniga madaxda Dalka iyo xarumaha muhiimka ah. Qodobka kale ee dooda Amniga laga qaatay ayaa ahaa in Goluhu soo jeediyo in la badalo taliyaha ciidamada Xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raage iyadoo laga heshiinayo cidda lagu badali doono.

Qodobkaan waa aragti miiska taalay, laakiin looguma dul shaqeyn shaqeyn sida qodobka la xiriiray in AMISOM lagu wareejiyo Ammaanka madaxtooyada.

Qodobadaan waa dood weli taagan ee ma ahan go’aan. maadaama la isku mari waayey qodobkii ahaa Ra’isulwasaare Rooble amniga guud halagu wareejiyo waxaa xal loo arkay in xoogaa dooda la fududeeyo oo qodobo kale la abuuro ayey leeyihiin madaxdii aan la hadalnay.

Caawa la filayaa in qodobka amniga go’aan laga gaaro si loogu gudbo qodobada kale ee doorashada la xiriira