28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Siyaasiyiin ku Baaqay in Guddi loo Diro Axmed Mdoobe (Sababtu waa maxay)?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Qaar ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxay ku baaqeen in guddi loo diro Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe hogaamiyaha maamulka Jubba si ay ugu qanciyaan ka qeyb galka shirka Muqdisho ka furmi doona 21-ka bishan .

C/qaadir Xaaji Max’ed Luga dheere wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta kasoo jeeda Jubbooyinka,  waxaana uu sheegay inay wanaagsan tahay si Axmed Mdoobe loogu qanciyo Shirka Muqdisho in loo baahan yahay in loo diro guddi arintraasi kasoo dhaadhiciya.

Odayaal iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo muqdisho kulan ku yeelshay ayuu sheegay inay isku afgateen in guddi loo diro axmed madoobe si waan wan loogu dhameeyo khilaafka hadda soo curtay e ka dhex aloolsan maamulka juuba iyo dowlada Soomaaliya.

Waxaana odayaashaas ay sheegen in muhiimad gaar ah reer Jubba uu uleeyahay shirka Muqdisho qabsoomidiisa ay ka wado xukuumada Soomaaliya hayeeshee Axmed Madoobe uu diiday inuu ka qeyb galo .

Hogaamiyaha mamulka Jubba Axmed Maxmed Islaam Axmed Madoobe, ayaa si cad uga soo horjeystay ka qeyb galka shir 21-ka bishaan ka furmi doono Muqdisho kaas oo looga hadlayo aayaha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Dowlada Soomaaliya wali kama aysan hadlin arinta ku aadan Diidmada Axmed Madoobe ee ku aadan Shirka Muqdisho ka furmaya ee aayaha Jubbooyinka iyo Gedo looga hadlayo.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News