Dhacdo Naxdin leh: Gabar 13-Sano jir ah oo inta la Kufsaday la gubay

Muqdisho (Caasimada Online) Degmada Balanbaale, oo ka tirsan NDF Somalia  Balse Kenya ay u taqaan Waqooyi Bari Kenya ayaa waxaa ka dhacday Dhacdo Xanuun iyo Murugo ku reebtay Dadka deegaanka, kadib markii Gabar 13-Sano jir ah inta la kufsaday , hadana la gubay.

Waa dhacdo Xnuun iyo muro ku reebtay ehelada iyo dadka deegaanka ay mashaqadan ku dhacday , waxaana xilliga gabadhan arintaasi lagu sameynayay ay la jirtay Geel , maadaama halka dhacdadu ay ka dhacday ay tahay dhul miyi ah .

Qadiijo Diiri Dhicis, waa Eedada gabadhasida xun loo galay waxaana ay sheegtay in iyadu ay soo korsatay gabdha, BBC-da Qeybta Afka Soomaaliga ayayna uga warbixysay sida ay wax u dheceen .

Waxay sheegtay in Gabadha ay ka shaqeyn jirtay raacistay Geela, hayeeshee Maalintii Dambo ay waayeen , Ninkii Geela lahaa ayay sheegtay inuu baadi goob u galay Gabadhii iyo Geeliisi balse Nasiib Xumo uu kaliya Soo helay Geelii Gabdhiina uu waayay.

Ninkii Geela lahaa ayaa arintan kusoo war geliyay Ehelada Gabadha gaar ahaan Maamo Qadiijo, oo aheyd Eedada gabadha ,waxaana ay shaacisay in durba ay raadin kula dhaqaaqeen gabadha .

Muddo Sideed Maalin kadib ah ayay sheegtay in ay Heleen Meydka Gabadha oo inta Cad Cad loo jaray misna lagubay, waxaana ay sheegtay in Xitaa Meydkeeda uu arkay Wiil ari ilalinayay , kadibna uu iyaga kusoo war geliayay .

Waxay sheecisay in Gabdha Cadba meel  ladhigay Xitaa Dharki ay wadatay iyo weelkii Biyaha ay ka soo qaadeen meelo kala duwan , waxaana sida ay sheegtay Meydka gabadha laga soo Hoos qaaday Qashin iyo Cows , .

Iyadoo ilmeyneysa ayay Sheegtay in Xitaa qoorta ay ka jareen Hilibkeedana uu Bislaaday SABAB la xiriirta Dabka , ama Holaca ay ku dhexrideen darteed .

Inta badan Dadka ayaa isku racay in gabdha la Kufsaday ka hor inta aan la dilin , waxaana Cabasho iyo Baqdinba ay ka muujiyeen arinytan , oo ay  ku tilmaameen mid Musiibo ah .

Qadiijo Diiriye, ayaa sheegtay in Gabadha markii iyada lagu soo wareejiyay ay aheyd Shan sano Jir iminkana ay aheyd 13-sano intaasina ay kusoo dadaaleysa Korinteeda , waxaana ay shaacisay inuu dhaalay walaalkeed iyaduna ay eedo utahay .

Halkaan hoose ka dhageyso Dhacdo Naxdin leh oo ka dhacday NFD

Dhageyso Dhacdo xnuun Badan

Caasimada online

Xafiiska NFD

Caasimada@live.com