Socdaalkii taariikhda galay ee uu Ibnu Battuuta ku tagay Muqdisho (Q.2aad)

Muqdishow iyo Ibnu Battuuta

Tarjume: Xassan Xayle

Socdaalkii Ibnu Batuuta: 1325-1354

Qaybta Labaad

Halkan ka aqriso qeybtii 1-aad

Maamuus iyo Marti-galin

Markii aan galnay Guriga Martida ayaa wiilkii dhalintayaraa waxuu guriga Sheykha nooga keenay cunto. Waxaa wiilka la socday nin ka mid ah wassiirada Sheykha oo ah wassiirka u qaabilsan marti-soorka, oo isagoo isoo dhaweynaya, igu yiri, “Waxaa ku salaamaya, (Mawlaanaa Sheykh) [-6],waxuuna ku leeyahay: imaanshahaagu waa kheyr!”

Soo dhaweenta ka dib, waxaan bilownay in cuntadii naloo keenay aan cuno. Cuntadu waxay aheyd bariid lagu kariyay dufan, (Subag), laguna soo rogay saxan weyn oo qoray ka sameysan, (Xeero). Waxaa dusha lagsoo saaray cadad ‘Koshaan’ ah [-7] oo goosaar ama iidaan looga dhigay hilib digaag, mid xoolo iyo malaay; sidoo kale, waxaa cuntada lagu daray, Baquul [-8]. iyo Moos oo isagoo aan weli bislaan, laguna kariyay caano dhaay ah, ayaa lasoo saaray labo weel oo midkood uu ku jiro mooskii karsanaa, midka kalena ay ku jiraan caanihii lagu kariyay.

Cuntada waxaa korka looga daray liin iyo xirmo filfil ah oo biyo lagsoo saaray, taasoo loo isticmaalayo khal ahaan. Waxaa kale oo lagu daray sinjibiil cagaar iyo canbe, oo ah miro la mid ah ama u eg tufaaxa hayeeshee gudaha laf ku leh, kaasoo haddii uu bissil yahay aad u macaan badan, lakiin marka uu ceyriinka yahay sida liinta u dhanaan; sidaa darteed markii ay cunaan hal luqmad oo bariid ah ayay raaciyaan wax yaabahaas dhanaanka ah oo ay sida khalka ay u isticmaalaan

Dadka reer Maqdasho, hal nin oo ka mid ah waxuu cunaa inta ay koox inaga ah ay cuni karto, sidaas awgeed waa dad cayilan oo jirkood buuran yahay. Markii aan wax cunay ka dib, ayuu Qaadigu naga tagay; waxaan Guriga Martida ku nagaaday ama aan joogay seddax maalmood oo malin kastaba, sida ay caadadoodu tahay, seddax jeer aniga iyo dadkii musaafirka ahaa ee markabka aan ku wada nimid, cunto naloo keenayay

ibnu battuutaMaalinta afaraad oo aheyd maalin Jimaca ah, ayaa waxaa ii yimid Qaadiga iyo ardaydiisa. Waxaa kale oo la socday wassiir ka mid ah wassiirada Sheykha; waxaa la ii keenay dhar ka kooban maryo go` ah oo ragu dhexda ku xirto, taasoo surweel u dhiganta madaama dadka reer Maqdasho aysan, dhar ahaan, aqoon surweel. Waxaa kale oo la ii keenay khamiis kor laga gashto oo tolmadiisu Missri tahay. Waxaa kale oo ku jiray dhar fidqado ah oo khamiiska laga hoos qaato, dhinaca horeyna ka furan, sameyskiisa ka yimid Al-Qudus; waxaa kale oo la isiiyay cimaamad Massar laga keenay. Dadkii masuufarka ahaa, ee aan wada soconay, waxaa iyagana la siiyay dhar ceenkaas ah oo sidaas u sameysan

Intaa ka dib, waxaa aadnay Masjid-jaamaca oo aan salaadda ku dukanay meel ka danbeyda, Al-maqsuura [-9]. Markii uu Sheykhu kasoo galay albaabka maqsuurada aniga iyo Qaadiga ayaa salaanay Sheykha, si wanaagsan ayuu isoo dhaweeyay; marka hore afkooda ayuu kula hadlay Qaadiga, ka dib Af-Carabi ayuu igu yiri, “Imaasho wanaagsan ayaad noogu timid, waxaadna sharaftay dhulkeena, wehel ayaad noo tahay

Soo dhaweenta ka dib, waxuu Sheykhu u baxay meel banaan oo ka mid ah xeendaabka masaajidka, halkaas aw ku aasanyahay aabihiis; waxuu is-dultaagay qabriga isagoo duco ku aqriyay, Ilaaheyna u baryay

Maqaamka Suldaanka

Markii uu ka soo tagay qabriga aabihiis, ayaa waxaa iyagoo wada socod Suldaanka u yimid dhammaan wassiirada, dad madax ah iyo taliyayaasha ciidamada oo dhammaantood, halkaas ku, salaamay Suldaanka.  Dhaqanka ay isku salaamay dadka Maqdasho, waxuu la mid yahay kan reer Yemen oo kale; waxuu qofku wax salaamaya uu marka hore farta suulka xigta uu galinayaa ciidda, ka dibna waxuu geynayaa madaxiisa isagoo dhahaya ama oranaya: cissigaaga Ilaahay ha dheereeyo ama ha raajiyo. Islamrkiiba, Sheykhu kobahiisa ayuu iladay, waxuuna ka baxay albaabka masaajidka isagoo amray Qadiga iyo aniga inaan ilano ama gashano kobaheyn, ka dibna isaga u raacno dhanka gurigiisa oo aan ka fogyen masaajidka. Dadka intooda kale ayaa nasoo raacay iyagoo cagacad ama aan kobo sidan

Sheykha waxaa madaxiisa lagu hareeyay ama la dul hagoogay afar qubaab [-10] oo xariir midabo leh ka sameysan, iyadoo qubadiiba uu ku sawiranyahay shimbir midkiisu dahabi yahay.

Maalintaas oo jimaco aheyd, dharka Sheykhu waxuu labisnaa khamiis horey ka furan oo Qudsi ah, midabkiisuna cagaar yahay; dharka khamiiska laga hoos qaato oo ka kooban fidaqyo is-raacsan iyo qaar garbaha la saaro oo aad u quruxsan, isku jirkoodana laga keenay dalka Masar. Waxuu dusha ka labisnaa go’ xariir ah iyo cimaamad weyn.

Maalintaas waxaa Sheykha loo garaacay durbaano, waxaana loo yeeriyay boon noocyo kala duwan ah; waxaa horey iyo gadaal ka socday madax iyo ciidan, hareerahana waxaa ka socday Qaadiga, culumo fuqaha [-11] ah iyo dad sharaf iyo xurmo leh, waxayna dhammaanto u socdaan goobta wadatashiga

[-6] Mawlaanaa Sheykha: erayga’ mawlaanaa’ macno dhawr ah oo isku dhaw ayaa loo adeygsadaa, kaaasoo, guud ahaan, tilmaamaya qadarin iyo weyneyn ama gargaar iyo garab joogsi. Waxuu noqdaa cinwaan, (Title) la siiyo boqorada, madaxda iyo culimada diinta Islaamka. Waxaa, xushmad ahaan, la siiyay cinwaankaas ama loogu jiray dadkii adoonta ahaa ee Diinta Islaamka qaatay

[-7] Koshaan: waxuu la mid yahay ama uu yahay KOSHAAR. Waa xawaaji lagu maceeyo hilbka ama dalaca maraqa, kaasoo xiriir la leh, (Curry) assal ahaan laga isticmaali jiray India iyo wadamada kofur-bari Aasiya

[-8] Baquul: waa khudaar kala duwanoo lagu dhinac cuno cunta guud, (Main meals), gaar ahaan qadada

[-9] Al-maqsuurah: qayb yar oo ku dhinac taal ama gooni ka ah qol weyn

[-10] Qubaab: waa cimaamad iyadoo dhawr wareeg leysgu aadiyay madaxa dushiisay lagu xiray

[-11] Fuqaha: waamagac wadareed halkiisu yahay FAQIIH -erayadii qaybtii kowaad fiiri

Saxitaan: hafyo hadal ka mid ma ah! Booqashada Ibnu Battuuta ku yimid Soomaaliya ee uu booqday magaalooyinka Seylac & Muqdishow waxay ahayd Qarniga 7-aad ee Hijriga kuna aadan kii 14-aad ee Milaaddiga. Qaybta hore waxaan ku sheegay inay aheyd Qarniga 13-aad ee Milaaddiga

Tarjume: Xassan Xayle [hassanhaile@hotmail.com]