28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

SOMALI weerartay markab YAHUUDI ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tel-Aviv (Caasimada Online) – Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee badda cas ayaa weeraray markab xamuul ah oo laga leeyahay dalka Israa’iil, sida ay maanta faafiyeen wargeyyada Yuhuudda.

Weerarka oo aanan natiijo laga gaarin ayaa waxa uu ka dhacay gacanka Baabul Mandad loo yaqaano, waxaana markabka lahaa shirkada maraakiibta ee ZIM.

Waxaa la sheegey in markii kooxahani ay u dhawaadeen markabka ay arkeen illaalo hubeysan, kadibna ay u yeerteen ciidamo xoojin ah, markii dambe ee ay weerarka ku qaadeena ay la kulmeen iska cabin.

War kasoo baxay wasaaradda gaadiidka Israa’iil ayaa lagu amaanay illaalida sida ay isaga waabiyeen, sida uu kasoo xigtey bogga Ynet ee uu leeyahay wargeyska Yedioth Ahronoth.

Waa dhif iyo naadir maraakiib ay Israa’iil leedahay in ay weerar kala kulmaan kooxaha Soomaalida.

Xigasho : Warkani waxaa faafiyey wargeyska Yedioth Ahronoth ee Israel.

- Advertisement -

Read more

Local News