SOMALIA DOWLAD MAKA DHALAN DOONTAA?

Somaliya waxay cagta saartay burburki ugu xumaa ee ummad soo mara qarnigaan 21aad: Su’aasha kore jawaabteeda waxay tahay in aanan marna dalkaan ka dhalan doonin dowlad shaqeysa inta ay jiraan sababaha soo socda:

  1. Maamul goboleedyada la unkay oo loogu tala galay in dalka lagu burburiyo dadkana lagu baraciyo, siiba midka ka dhisan Puntland oo ku sifoobay caqabada ugu weyn ee hortaagan midnimada, nabadda iyo horumarka umadda. Waxay Puntland isu heysataaa inay tahay tiirka uu ku taagan yahay dalka, haddii ay ka hoos baxaana uu dumaayo. Dadka madaxda ka ah ama ka soo noqday gobolkaas waxay isu heystaan Inay dadka kale oo dhan ka sareeyaan, wixi iyagu ay rabaan ayaana meesha ka socon kara….wixi ay ka soo horjeestaana aan sinnaba la qaadan karin. Taas waa kibir iyo isla weyni, waxayna ismoodaan inay la siman yihiin dowladda dhexe …waxay illaabeen xikmadi dheheysay

من برى نفسه قبل ان يره النا س لم يره الناس

NINKI ISAGA IS-ARKA INTA AYSAN DADKU ARAG DADKU MA ARKAAN

Waa nasiib darro in dadka masu’uulka ka noqda gobolka Puntland uu afkoodu furan yahay siiba Faroole iyo C/weli Gaas, wixi ay doonaan ku hadaaqa iyagoon ka fiirsan cawaaqib xumada uu afkoodu u keeni karo Iyo cadaawada ay hadalladoodu horseedi karo…xikmad kale ayaa jirta oo dheheysa

لسان العاقل وراء قلبه وقلب الجاهل وراء لسا نه

Oo micnaheedu yahay ”Caaqilka carrabkiisa wuxuu ka dambeeyaa caqligiisa dabbaalkana caqligiisa wuxuu ka dambeeyaa carrabkiisa” waxa uu ku hadlaayo kama fiirsado oo caqligi ayaa carrabka ka dambeeya…wuxuu doono iyo wuxuusan dooneyn ayaa carrabkiisa ka soo baxa.

  1. Dadka noocaas ah oo lagu sheego siyaasiyiin, oo maanta ku hardamaaya xukunka dalka, waxaa lagu sifeyn karaa khaayin waddani ismooda, jaahil aqoonyahan isu heysta, dabaal ismooda caaqil. Dalkaan dadki lahaa oo u xanuunsan lahaa waa dhamaadeen ama waa dhoofeen ama waa dhega beeleen oo wax ma maqlaan ama waa tabar beeleen oo wax ma taraan. Haddaba, sidee Somaliya looga badbaadi karaa balaayada soo socota oo ay wadaan cadaawada umadda? Maanta cadaw kale uma baahnin oo waa nagu dhax jiraa…waxaa jira tix maanso ah oo ay tirisay awbwaanadi Maynuun Biyood ee reer Jowhar ahayd oo tiri : CADAW KAAMA DHEERA CALOOSHAADA WAAYE  CAWA IYO MAALINEY CUNTO KAA RABGTAA. 
  1. Dalkaan cadawgiisi ayaa u tartamaya sidey hogaanka u qaban lahaayeen iyagoo badankoodu yihiin aaladu (tools) loo adeegsado jahawarerka iyo burburinta dalka. Xikmada ay xambaarsan tahay tixda Maynuun waxay salka ku heysaa in madax-ku-sheega maanta loolamaya ay yihiin cadawga ugu khatarsan ee dalkaan, waayoo waa dad wax walba diyaar u ah si ay calooshooda u buuxsadaan waxayna adooman u yihiin rabitaankooda (slaves of their dreams). Dadka noocaas ah ayaa hogaanka u haaya Somaliya oo ku haminaya inay weligood taliyaan ama gobolka ay ka soo jeedaan uu yeesho tirada ugu badan barlamaanka soo socda.
  1. Dhibaatadu waa ka baaxad weyn tahay kana qallafsan tahay qabiil, waayoo waxaa xaqiiqo noqotay in dadka ka soo jeeda gobollada qaarkood oo tiro ahaan aad u yar, qabiilkuna u yahay muqaddas sida Puntland oo diyaar u ah in dalka uu baaba’o haddaan tooda la qaadan. Farqiga ku juira Puntland iyo gobollada Koofureed oo laga reebo kuwa dhexe, waa in qabiilku uusan ahayn lagama maarmaan (essential), dadkuna aysan u arag wax muqaddas u ah jiritaankooda. Arrintaan waxaa markhaati ka ah in siyaasiyiinta ay ka mid yihiin Cali Gheedi, Salaad Jeelle iyo Baadiyow ay u ololeynayaan C/weli Gaas, iaydoo aysan jirin cid Puntland ah oo taageersan Madaxweyne Xasan Sheikh xataa haddii uu wado danta umada. Sababtuna waxay tahay iyadoo dadkaasi uu qabiilku kala weyn yahay wax kasta, diyaarna u ah inay taageeraan ciddi iyaga ah xataa haddii ay fasho fal gurracan oo dalka danihiisa iyo amnigiisa wax u dhimaya…waana arrin taariikhdu qireyso markaad dib ugu noqoto falalki ay ku kuceen siyaasiintoodi soo maray dalkaan. Waxaa la soo gaaray xilligii dadka noocaasa loo arki lahaa waxay yihiin, loolana dhaqmo sida ay mudan yihiin si dalka looga badbaado shartooda.
  1. Waa nasiib darro aad u weyn in iyagoo ”SHAN MADAXWEYNE Ah” uu ammar siiyo Safiir ka yimid Imaaraatka Carabta (UAE) iyo wakiil ka socda, sida uu sheegtay, IGAD (Max/ed Cabdi Afey) oo xayira howlahooda kuna khasbay inay ku negaadaan Kismaayo oo aysan ka bixi karin ilaa ay go’aan mideysan ka gaaraan, waana farriin, sida la sheegay, looga keenay Beesha Caalamka. Madaxweynayaashu ma oggola in dalkaanu leeyahay HAL MADAXWEYNE oo kaliya, iyaguna ay yihiin shakhsiyaad ka arradan PROTOKOLKA xaddida darajooyinka diplomasiga ah iyo xiriirka caalamiga (international relations)..waana in maamulka dalkaan looga dambeeyo dadka darajadaha sida, waa haddii ay yaqaaniin qiimaha uu leeyahay xilka ay xambaarsan yihiin.
  1. Haddaba, ogaada ”Madaxweynayaal” in dalkaan arrimihiisa iyo dowlad dhisida ay ku jiraan gacantiina, waana in adinka la idiinkaga dambeeyaa ee ma ahan in la idiin yeeriyo howlaha la idiin igmaday, laydinkuna khasbo wax aadan rabina…waa haddii aad aaminsan tihiin inaad heysiin xil dal iyo dad aan cid kale u maqneyn…WAXA BADANKIINU AAD RABTIIN WAA INAY SOCDAAN!!!

Ugu dambeyn, waxaa soo socota mu’aamaro in dowladda jirta ay dhacdo ama la rido, mid kalena ay dhismi weyso..maxaa tala ah markaas? Dowladda hadda talisa waa inay sii joogtaa inta laga helaayo mid beddeli karta oo ay Somali leedahay haddii la heli karo..

W/Q Cali Mubarak

ali_mubarak1@outlook.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com