Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa maanta ka qayb-gashay saxiixa heshiis iskaashi caafimaad oo taariikhi ah oo ay ku mideysan yihiin dalalka Somalia, Sudan, Yemen iyo Djibouti.
Soomaaliya aaa waxaa heshiiskan u saxiixay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Ali Haji Adam oo la kulmay dhiggiisa saddexda dal ee hehiiska qaybta ah Sudan, Yemen iyo Djibouti.
Ujeedkan heshiiskan ayaa ah mid lagu mideynayo iskaashiga caafimaadka ee dalalka wada saxiixay, si kor loogu qaado daryeelka bulshada, loogana hortago cudurrada faafa, sida lagu sheegay warsaxaafadeed maanta kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa ujeedka labaad uu yahay xoojinta qorsheynta iyo wadaagga khibradaha, Horumarinta awoodaha wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee Somalia, Sudan, Yeme iyo Djibouti.
“Heshiiskan ayaa lagu xoojinayaa iskaashiga iyo isku-duwidda gobolka ee dhinacyada caafimaadka, gaar ahaan, iskaashiga farsamo ee ka hortagga cudurrada faafa, Xoojinta qorsheynta iyo wadaagga khibradaha, Horumarinta awoodaha wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Tallaabadan waa mid muhiim ah oo kor u qaadaysa iskaashiga caafimaad ee dalalka gobolka, si loo helo nidaam caafimaad oo mideysan, waara, oo wax ka qabta caqabadaha caafimaad ee wadajirka ah”.
Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Qaahira uga qeyb galayay Shirka 72-aad ee WHO ee Gobolka Bariga Mediterranean ayaa kulan doceed muhiim ah la yeeshay Dr. Hanan Balkhy Agaasimaha WHO ee Gobolka Bariga Mediterranean, Ms. Lisa Stevens – Agaasimaha Barnaamijka Taageerada iyo Horumarinta Daryeelka Kansarka ee IAEA iyo Chris Elias – Madaxweynaha Horumarinta Caalamiga ah ee hay’ada gates foundation.
Wasiirka ayaa madaxdan kala hadlay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee dhinacyada caafimaadka, gaar ahaan horumarinta nidaamyada caafimaadka, ka hortagga iyo daaweynta cudurrada kansarka, maalgashiga caafimaadka, iyo dardargelinta barnaamijyada horumarineed ee Soomaaliya.
Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah iyo taageerada wax ku oolka ah ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka dalka.