25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Somalia & Kenya oo kala saxiixanaya heshiis & qorshihi Kenya oo fashilmay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Barnaamijka Martida Makroofanka ee idaacadda VOA waxa uu todobaadkan uu ku saabsanyahay xaaladda Soomaalida Kenya ku nool iyo qorshaha dib u celinta qaxootiga Soomaalida, waxaana marti ku ah Safiirka Somalia u fadhiga dalka Kenya Maxamed Cali America.

Dowladaha Kenya iyo Somalia ayaa maanta la filayaa inay kala saxiixdaan heshiis ku saabsan dib u celinta qaxootiga Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali America ayaa VOA u sheegay in heshiiska ay labada dal gaareen u dhigayo in qaxootiga aan qasab dib loogu celin karin Soomaaliya, balse ciddii doonaysa ay si mutadawacnimo ah ugu noqon doonto Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa soo geba gebeynaya handadaaddii iyo qorshihii ay muddo wadday Kenya, oo ahaa inay qasab ku celineyso qaxootiga Soomaalida ah.

Qeybta hooose ka dhageyso barnaaamijka Martida Makrafoonka.

- Advertisement -

Read more

Local News