26.6 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Soomaaliya mashruuc aan dhulka aheyn oo laga shaqeeyo ma jiro miyaa? – Waxaa tiri…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda dhulka ee ka taagan Muqdisho ayaa weli cirka isku sii shareereysa, waxayna noqotay mowduuca ugu wayn ee maanta taagan, maadaama ay arrintan ay saameysay shacabkii ugu badnaa oo laga barakaciyay xaafadahooda.

Arrintan ayaa sidoo kale yeelatay saameyn siyaasadeed oo xoogleh, kadib markii ay soo farageliyeen siyaasiyiinta mucaaradka oo bilaabay inay shacabka shirayaan si ay ugu kiciyaan dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo qoraal dheer soo saartay ayaa si adag uga hadashay ‘arrimaha dhul boobka ee ka socda’ caasimada iyo tallaabooyinka ay illaa iyo hadda qaaday dowladdu.

Faa’iso ayaa su’aal ka keentay sida ay wax u socdaan “Su’aashu waxa ay tahay Soomaaliya mowduuc aan dhulka aheyn oo laga shaqeeyaa ma jiro miyaa dowlada ajandaha ugu muhiimsan qorshahooda miyaa dhulka ah?”.

Waxaa kale oo ay sii raaciyay “Waxaan kula talin lahaa dowlada arinka dhulka in ay iska joojiso sababtoo ah waxa ay ka arimisaa gobalka Banaadir oo ku eg labada kontarool ee Balcad iyo Afgooye, sida aan horay u sheeagay”.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Wixii ka horeeyay 2024, 2025 arimaha dhulka waxaa ka hadli jiray, dadka dalaaliinta la yiraahdo waxa ayna uga hadli jireen nootaayooyinka, laakiin hadda maxaa dhacay?.

Subixii markuu waagu baryo oo aad toosto haddii aad fiiriso baraha bulshadu ku kala warqaado, waaxaad arkeysaa bulshada nuuc kasto oo ay tahay in ay ka hadlaayaan dhul, sida hooyooyinka, dhalinyarada dugsiyada aada, ciidamada, bajaajleyda, dadka naafada ah, odayaasha dhaqanka oo labo qeyb ah, syaasiyiinta oo labo qeyb ah, sharci yaqaanada, culumada saban aaqirka oo labo qeyb ah, ganacsato isku sheega faashiliinta ah, mucaaradka Madasha Samata Bixinta iyo xittaa argagixisadii.

Su’aashu waxa ay tahay Soomaaliya mowduuc aan dhulka aheyn oo laga shaqeeyaa ma jiro miyaa dowlada ajandaha ugu muhiimsan qorshahooda miyaa dhulka ah?

Waxaan kula talin lahaa dowlada arinka dhulka in ay iska joojiso sababtoo ahwaxa ay ka arrimisaa gobalka Banaadir oo ku eg labada kontarool ee Balcad iyo Afgooye, sida aan horay u sheegay.

Dadka gobalka Banaadir oo ay ka heyso umada Soomaaliyeed ahna dad adkeysi iyo dulqaad badan ahna dad boqolkiiba sideetan sabool iyo danyar ah dowladnimadana jecel sababna u ah jiritaanka dowlad Soomaaliyed.

Dowlad waxa ay dowlad ku tahay shacabka, dowlad aan shacab laheyn waa geeed aan hoos iyo miro laheyn intifaaca geedkuna waa labadaas, sadaas darteed dowladdu waa in ay iska dhaaftaa wax kasta oo shacabkeeda dhibaaya una tanasushaa, si dowladnimadu u jirto shacabkuna u dhibtoon dowladnimadana uga niyad jabin.

 

- Advertisement -

Read more

Local News