Somalia oo saxiixday heshiis gantaallo oo caalami ah

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiis mamnuucaya faafidda gantaalada balaastikada ee xambaara hubka wax gumaado, heshiiskaas oo loo yaqaano Hague Code of Conduct.

Heshiiskaan ayaa waxaa si wadajir ah u saxiixay illaa 143 dal, waxayna Soomaaliya kamid tahay wadamada heshiiskaas saxiixay.

Sharcigaan ay saxiixeen 143 dal oo ay kamid tahay Soomaaliya ayaa waxaa la meel mariyey sanadkii 2002.

Midowga Yurub ayaa dadaal dheer ku bixiyey sidii Sharcigaan loo ansixin lahaa, waxaana lagu guuleystay in  dhammaan 27 wadan ee Mudowga Yurub ka tirsan ay saxiixeen Heshiiskaan dhigayo in laga hortago faafidda Hague Code of Conduct.

Dalka Soomaaliya ayaa laheyn awood uu hub kusoo saarto, waxaana sidoo kale saaran cunaqabateyn dhanka hubka ah, balse sababta loogu daray wadamada saxiixay heshiiskaan ayaa lagu sheegay inay tahay dhiiragelin loo sameynayo wadamada aan weli heshiiskaas saxiixin.