SOMALIA OO WAJAHEYSA HALISTA EL NINO.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo badanaya digniinaha xoogan ee laga bixinayo khasaaraha ay sababi karayan roobabka El Nino, oo la fillayo in bishan October ay ka bilowdan qaybo ka mid ah dalka Somaliya. Roobabkan, ayaa wadan doono sida la sheegay dabeylo.

Roobabka, ayaa waxaa suurtagal ah in ay socdaan billaha October illaa December. Hay’adaha saadaasha hawada, ayaa waxay qaarkood sheegeen in roobabku ay socon karayan illaa billaha hore ee sanadka cusub.

Digniinaha xoogan ee laga bixinayo roobabka, ayaa waxaa suurtagal ah baala lee yahay inay la mid noqdaan El Niinihii sanadkii 1997-kii ka da’ay Somaliya, dhaliyayna fatahaado xoog lihi oo ay sameeyen Webiyada Shabelle iyo Jubba.

Roobabkan, ayaa sida la sheegay sababi doono daad xoogan oo ka dhasha Webiyada Somaliya mara, waxayna dhibaatada ugu badan ka gaysan doonaan Gobolada ay maraan iyo Gobolada Dhexe.

Beeraleyda Somaliyeed ee ku dhaqan Gobolada Shabellooyinka iyo Jubbooyinka, ayaa waxay walaac ka muujinayan roobabkan, oo ku soo beegmaya, xilli la beeray dalagyadii, isla-markaana aan la gaarin xilligii la gurashada.

Xaaji Xuseen Cali oo xubin ka ah beeraleyda ku dhaqan Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa qiray in cabsi badan ay ka qabaan waxyeelo ka dhalata dabeylaha iyo fatahaadaha, ay sababi karaan roobabkan.

Xaaji waxa sidoo kale uu sheegay inaanay weli si wanaagsan u bixin dalagyada kala duwan ee sanadkan beerteen, isla-markaana ay roobabka El Nino burburin karayan dalagyada ay beerteen.

Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxaa ka socota diyaargarow ballaaran, oo ay wadaan beeraleyda iyo Maamulka Gobolkaasi, si looga hortaggo fatahaadaha ka dhalan kara roobabkaasi.

Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa wuxuu sheegay inay buuxiyen labada dhinac ee Webiga Shabelle, si aanay wax fatahaado ihi u samayn.

Guudlaawe waxa sidoo kale uu sheegay inay soo badanayan digniinaha kaga imanaaya Hay’adaha Caalamiga ah, isla-markaana ay wadaan wax kastaa oo ay kaga hortaggi karayan fatahaadaha ka dhalan kara roobabka El Nino.

Roobabkan, ayaa sidoo kale la sheegay inay saamayn ku yeelan karaan Gobolada Galgaduud, Mudug & Nugaal, xilli dadka degan aanay ku baraarugsanayn waxyeelada ka dhalan karta roobabkaasi.

Dowladda Somaliya, ayaa waxaa dhinaceeda lagu dhaliilay inaanay qaadin tallaabooyin ku aadan waxyeelada ka dhalan karta roobabka iyo dabeylaha El Nino. Sidoo kalana waxa aanay weli samayn wecyigelin ku aadan, iskaba daa ficil looga gaashamanayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com