Somalia oo xubin muhiim ah ka noqotay guddi fulin oo heer caalami ah (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka mid ah guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirweynaha ururka guddiyada doorashada adduunka oo sanadkan ka dhacay gudaha magaalada Bangaluru ee dalka Hindiya ayaa loo doortay xubin ka mid ah guddiga fulinta ee ururkaas oo ay ku jiraan 106 dal iyo 140 Hay’adood.

War ka soo baxay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa lagu faah faahiyey arrintaas iyo muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay ka mid noqoshada gudigaasi.

Halkan hoose ka aqriso:

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka wuxuu ka mid yahay ururo caalami ah iyo kuwa goboleed oo ay ku bahoobeen ururada doorashooyinku, kuwaas oo ay ka mid yihiin ururada Guddiyada doorashooyinka Africa, kan carabta iyo midka adduunka.

Ujeeddooyinka ka mid noqoshada ururadan waxaa ugu muhiimsan in GMDQ Soomaaliyeed uu helo khibrad iyo aqoon ku filan oo uu howshiisa ku qabto iyadoo ururadani ay yihiin madal aqoon wadaag iyo mid khibrad kororsi, sidoo kale wuxuu Guddigan arrinkan ugu gol leeyahay in codka Soomaaliyeed gaarsiiyo daafaha caalamka, hay;adaha dowladeed ee Soomaaliyana ay noqdaan kuwa ka dhex muuqda ururadaas iyo shirarkaas caalamiga ah.

Haddaba iyagoo ka duulaya ujeeddooyinkaas kor ku xusan ayuu GMQD oo ay hogaamineyso gudoomiyaha Guddiga Marwo Xaliimo Ismaciil Ibrahim waxay shirka Hay,adaha Doorashooyinka adduunka (Association of World Election Bodies)A-WEB, oo xaruntoodu tahay dalka kooriyada Koonfureed, uga qeyb galeen Bangaluru India.

shirkan oo socon doono inta u dhaxeysa 2-3-4 Setember /2019, waxaa kulamo ku yeeshay Golaha Guud iyo Guddiyada Fulinta sidoo kale waxaa looga hadlay arrimaha adeegsiga baraha bulshada ee doorashooyinka (caqabadaha iyo fursadaha), waxaa halkaas bandhig ka soo jeedisay Gudoomiye Xaliimo oo muujisey sida Somaliya ay uga go’an tahay doorasho cod iyo qof ah dhamaadka 2020, isla markaana soo bandhigtey fursadaha baraha bulshada ee internetka ay ku yeelan doonaan doorashooyinka Soomaaliya.

Intii uu shirku socdey waxaa Somaliya loo doortey inay noqoto xubin ka mid ah Guddiga Fulinta ee ururka Hay’addaha doorashooyinka adduunka.

Arrinkan oo ah mid lagu farxo ayaa yimid ka dib markii waftiga Somalidu ku qancisay ka soo qeyb-galayaasha shirkan isbaddalka doorashooyinka iyo dimuqraadiyadeed ee Somaaliya ka jira.

Waxayna Somaliya noqotey xubinta Africa u matasha.golaha fulinta, wuxuuna arrinkani albaabka u furi doonaa Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya inay taageero aqooneed mid khibrad ka helaan Guddiyada la midka ah.

A-WEB waa urur ku bahoobeen in ka badan 106 dowladood iyo 114 hay,adood oo ka shaqeeya doorashooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com