Somalia oo u yeertay safiirka Kenya

Safiirka Somalia u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika ayaa waxaa looga yeeray magaada Muqdisho si uu uga jawaabo sababta ka danbaysa xariga dowladda Kenya u gaysatay Qunsulka Somalia.

Wasiirka warfaafinta Dowadda Xasan Shiikh Maxamuud Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii looga wada tashan lahaa gumaadka dowladda Kenya ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed iyo xariga ay magalada Nayroobi ugu gaysatay Siyaad Maxamuud Shire oo aan la aqoon ilaa iyo hadda waxa loo haysto.

Dhuxulow ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sida masuul Soomaaliyeed ay dowladda Kenya ula dhaqantay isla markasna xabsiga u taxaabtay wuxuna tilmaamay inaan arrimaha noocaas oo kale ah loo dulqaadan karin.

Danjire Maxamed Cali Nuur ”Ameerika” ayaa dhankiisa sheegay inuu warqado dacad ah u gudbiyay madaxda dowlada Kenya taasoo ku wajahan xariga sharci darada ah ee ay ciidanku u gaysteen Qunsulka Safaradda Somalia ee dalkaas.

“Warqad cabsho ah oo arrintan ku saabsan ayaan u dirnay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, jawaab ayaana ka sugaynaa,” Ameerika oo sii hadlaya ayaa tilmaamay inaysan marnaba ka seexan doonin difaacida shacabka Soomaaliyeed ee lagu dhibaataynayo magalada Nayroobi.

Afhayeenka Baarlamaanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari ayaa falka Qunsulka lagu xiray cambaareeyay kuna tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Magalada Nayroobi gaar ahaan xaafada Somalida ee Islii wali waxaa ka socda raafka xoogan ee ay ciidanka Kenya Dadka Soomaaliyeed ku hayaan.lamana yaqaan xiliga uu soo afjarmayo baaxsiga lagu hayo Soomaalida Qaxootiga ku ah Kenya.

Kenya ayaa Gobaladda Soomaaliya u dhoofisaa Qaad gaaraya 3 Milyan oo Kilogram sanadkii iyadoona Barlamaanka DF ay wadaan ka doodis ku aadan sidii dalka looga mamnuuci lahaa qaadka oo ay faa’ido badani ku qabto Kenya.