Somaliland: 12 qof oo 24-kii saac ee u dambeeyay ku geeriyooday shilal gaadhi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar aynu ka helayno magaalada Berbera ee gobolka Saaxil ayaa sheegays in 24-kii saac ee u dambeeyay ay Shilal gaadhi ku naf waayeen dad gaaraya 12-qof, halka ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 20-qof.

Saaka aroortii ayaa waxa uu shil ka dhacay Wadada kaydka biyaha ee magaalada Berbera, waxaana ku naf waayey shilkaasi 1-qof oo ahaa wadihii gaadhiga, halka ay ku dhaawacmeen 8-qof oo kale oo ahaa rakaabkii saarnaa gaadhigaasi, sida uu xaqiijiyey Isu-duwaha Wasaarada caafimaadka ee gobolka Saaxil.

“Shil Baabuur ayaa ka dhacay Waddada bariga, gaar ahaan halka Kaydka Biyaha, shilkaasi wuxuu ahaa gaadhi Bas ah oo Rakaab siday, waxa ku Geeriday Shilka Wadihii gaadhiga, waxaana Cisbitaalka Berbera la keenay 8 Qof oo dhaawac ah” ayuu yiri Dr. Bashiir Diiriye Jaamac oo ah Isu-duwaha wasaarada caafimaadka ee gobolkaasi.

Shilkaasi saaka dhacay ayaa waxa uu ku soo aadaya shil kale oo isaguna shalay galinkii dambe ka dhacay isla magaaladaasi, kaasi oo ay isagana ku naf waayeen 11-qof, halka ay 14-kalena ku dhaawacmeen.

Shilkan dambe ayaa waxa sababay kadib markii ay isku dhaceen gaadhi Nooho iyo gaadhi kale oo Qaadka qaada ee loo yaqaano ‘Candho-maydle.

Waxaana saarna gaadhigaasi Noohada ah oo ay siday dad ka soo jeeda Qoomiyada Oromada, isla markaana rabay inay tahriibaan oo ay u sii gudbaan magaalada Boosaaso, ugana sii Tahriiban wadamada carabta.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa