Somaliland: Abaanduule goostay oo ku biiray jabhad cusub oo lagu dhawaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in mid kamid ah Abaanduulayasha ciidamada Militeriga Somaliland uu u goostay Jabhad kasoo horjeeda maamulka oo dhawaan la aasaasay.

Abaanduulihii Saddexaad ee Ciidamada Millateriga Soomaaliland Jamaal Baaxad iyo Hub uu la goostay, ayaa ku biiray Jabhad la magac baxday dib u xoreynta Somaliland taas oo uu dhawaan aas’aasay Sarkaal horey uga goystay Somaliland oo lagu magacaabo korneel Caare.

Abuunduulahan iyo Saraakiil kale oo ka goostay maamulka ayaa iminka ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanada Gobolkaas ay Puntland ka maamusho.

Jabhadaani ayaa waxaa inteeda badan ku mideysan Mas’uuliyiin iyo Saraakiil xilal kasoo qabtay Somaliland kuwaa oo xiligaan aad u dhaliisan maamulka Muuse Biixi.

Maamulka Puntland ayaa garab u ah Saraakiishani oo xiligan heysta Hub farabadan oo lagala goostay maamulka, kuwaa oo la sheegay in lagula dagaalami doono isla maamulka Somaliland.

Qeybo ka mid ah gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanada Gobolkaas oo ay maamusho Puntland ayaa waxaa ka socda abaabul dagaal oo ka dhan ah maamulka Muuse Biixi, waxaana lasoo warinayaa in Jabhadaasi ay dhaqaale xoogan ku bixineyso Puntland.

Maamulka Somaliland wali kama uusan hadal  sarkaalkaas iyo aas’aasitanka Jabhada cusub ,waxa ayna ku soo aadeysaa xilli xiisado dagaal oo u dhaxeeysa Puntland iyo Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com