Xasan Sheekh oo madax u noqonaya 4 xisbi oo DF Somalia ku ah mucaarad

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn a socdo qabanqaabada soo dhaweynta madaxweynihii hore  ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la filayo inuu  dhawaan  kasoo dago garoonka Aadan Cadde.

Xasan Shiikh Maxamuud oo muddooyinkii u dambeeyey daganaa Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga ayaa Berri imaan doono Magaalada  Muqdisho iyadoo ay soo baxayaan warar kala duwan oo ku aadan ujeedka safarkiisa.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan guddiga qabanqaabada soo dhaweynta, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Muqdisho u imaan doono sidii uu wadatashi ula sameyn lahaa qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Warka ugu xooggan ayaaah in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud la filayo in loo caleemo saaro hoggaaminaya mucaaradka ka horjeeda dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh oo ololihiisii dib u doorashadai xilka madaxweynaha Soomaaliya si lama filaan looga guuleystay ayaa intii uu xilka banneeyay ku sugnaa dalalka Tanzania iyo Turkiga oo xaasaskiisa ay degan yihiin, isagoo ka gaabsaday arrimaha siyaasadda, isla markaana ku baaqayey in lala shaqeeyo dowladda.

Xogta laga helayo dalka Turkiga ayaa sheegaysa in Xasan Sheekh muddooyinkii danbe ku howlahaa sidii uu u mideyn lahaa kooxaha mucaaradka ee ku kacsan dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana socda qorshe ay ku midoobayaan 4 xisbi oo hoggaamiye loogu dooranayo Xildhibaan Xasan Sheekh.

Shirar is dabajoog ah oo dhex maray Xasan Sheekh, C/raxmaan C/shakuur, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Xasan Macalin iyo xubno kale ayaa lagu heshiiyey in la dardar geliyo ololaha looga horjeeda dowladda Farmaajo hoggaamiyo iyadoo uu hoggaamin doono xildhibaan Xasan Sheekh.

Wararka qaar oo aan la hubin ayaa sheegayo inuu Xasan Shiikh Maxamuud si rasmi ah ugu soo guurayo Magaalada Muqdisho oo u noqon doonto saldhig.

Xasan Shiikh ayaa dalka ka tagay markii looga guuleystay doorashadii Soomaaliya ka dhacday 08 February 2017 markaas uu Farmaajo la wareegay xukunka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com