Magacyada iyo taariikhda golaha dhaqaalaha qaranka ee maanta la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta daah-furay golaha dhaqaalaha qaranka oo madaxweynaha dalku Dekareeto ku magacaabay July 12, 2018, kaas oo dawladda kala talinaya arrimaha dhaqaalaha dalka iyada oo lagu salaynayo cilmi baaris dheer iyo cadaymo, sidoo kalana dawladda siinaya talo iyo hagid ku aadan diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh oo ka caawinaysa isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha dhaqaalaha qaranka kula dardaarmay in ay si qoto dheer uga fekeraan una dejiyaan siyaasado iyo istiratiijiyado looga faa’iidaysan karo khayraadka ballaaran ee Alle ku manneystay Soomaaliya.

“Waxa aan ku faraxsanahay in daah-furkaan golaha dhaqaalaha qaranka uu ku soo beegmay xilli aan guulo fara badan kasoo hoynay dhanka maamul wanaagga maaliyadda qaranka oo wadanku rajo wayn ka qabo in uu soo buuxiyo dhammaan shuruudihii lagaga saamixi lahaa daymaha. Waxan kalsooni weyn ku qabaa in golahaan uu kusoo biirin doono geedi socodkaas fir-fircooni si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale iyo in ay Soomaaliya soo ceshato kaalintii ganacsi ee ay ku laheyd dunida” ayuu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre.

“In kasta oo ay tahay dhammaan mas’uuliyad na wada saaran hadana golaha dhaqaalaha qaranka ee aan maanta daah-fureyno ayaa hormuud ka noqon doona sare u qaadista dakhliga soo gala qof walba oo Soomaali ah loona abuuro shaqooyin cusub si xal waara loogu helo dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aantu haysato. Sare u qaadista celceliska dakhliga soo gala qofkiiba waxa lagu gaari karaa in la kordhiyo saacadaha shaqada, la tayeeyo shaqaalaha ayada oo la tabo-barayo lana siinayo agabka u saamaxaya in ay gutaan waajibaadkooda si loo helo cudud shaqaale sare u qaadi kara dakhliga lehna xirfadihii iyo aqoontii loo baahna”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Haddaba waxaan akhristayaasheena u soo gudbineysaa Taariikhda golaha dhaqaalaha qaranka.

Kooxda Soomaalida:

Dr. Cali Ciise Cabdi, Waa maamulaha HESPI, waa dhaqaale yahan, heysta PhD, waxaa uu 10 sano la soo shaqeeyay IMF, waxaa uu muddo ku noolaa Tanzania iyo Itoobiya, waxaa uu la soo shaqeeyay Citibank iyo bangiga dhexe ee Soomaaliya, waxaa kale uu lataliye u noqday 30 dal oo Afrikaan ah.

Dr. Aues Scek: Dhaqaalaha ayuu PhD ka heystaa, waxaa uu lataliye u noqday dalal ay ku jiraan Kenya iyo Malawi, UNDP iyo meelo kalana waa ka soo shaqeeyay, waxaa uu ka shaqeeyay barnaamijka PFM, Jaamacado badan oo Yurub, Mareykan iyo Afrika ah ayuu bare ka soo noqday.

Dr. Xuseen Warsame: Waxaa uu ka dhigaa jaamacado badan, dalal badan ayuu lataliye u ahaa, waxaa kale uu horay u soo tababaray shaqaalaha bangiga dhexe, waxaa uu wax ka dhigay jaamacad u taalo Imaaraadka, UNIQWA koonfurta Afrika, CENRRUM oo Peru ah, waxaa uu la soo shaqeeyay dalal badan sida Congo, Cameron iyo Central Afrika, waxaa kale uu lataliye u ahaa bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Xuseen M. Saciid: Waa dhaqaaleyahan, 30 sano khibrad ah ayuu heystaa, waxaa uu tababar iyo latalin siiyey dalal badan sida Kenya, Lebnon, Zimbabwe iyo Somalia, waxaa uu la shaqeeyey Bangiga adduunka, IMF, USAID, ADB iyo UNDP, waxaa uu noqday wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda ee Soomaaliya.

Sakhawudiin Mustafa Maxamed: Waa dhaqaale yahan heysta PhD, Minnesota ayuu wax badan ka soo shaqeeyay, waxaa kale uu lataliye u ahaa hey’ado badan caalamka ah, hey’adaha uu la shaqeeyay waxaa ka mid aha Oslo Center of peace foundation iyo kuwa kale oo caalami ah, waa khabiir dhaqaale.

Kuwa Caalamka Ka Socda:

Dr. Abdalla A. Hamdok: Waxaa uu mas’uul sare ka ahaa UNECA, PhD waxaa uu ka heysaa dhaqaalaha, dalal badan oo bariga dhexe iyo Afrika ayuu la shaqeeyey, dalalka Afrikaanka ah ee uu caawiyey waxa ka mid ah Zimbabwe, Cote d’ivoire iyo Sudan.

Dr. Peter J. Middalebrook: Waxaa uu dhaqaaleyahan ahaan ula soo shaqeeyay Bangiga adduunka, Midowga Yurub iyo UK, 40 dal ayuu la shaqeeyey, waxaa uu qeyb ka aha qorshe loogu magac daray”US$100 billion Arab stabilization plan”, shaqadiisa waxaa tabiyey CNN, BBC, Time Magazine iyo Bloomberg.

Dr. Edward Sambili: Waxaa uu PhD ka heystaa dhaqaalaha, 33 sano khibrad ah ayaa u wehlisa, UNDP Kenya ayuu muddo joogay, waxaa uu ahaa xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda qorsheynta Kenya, aragtida 2030 wax badan ayuu ka qabtay, waxaa uu madax ka ahaa waaxda canshuuraha 2016-2018, intii u dhaxeysay 2001-2005 wxaa uu ahaa madaxweyne ku-xigeenka Bangiga dhexe ee Kenya.

Dr. Nehemiah kipkoech Ngeno: Waxaa uu PhD ka heystaa dhaqaalaha, waxaa uu bare ka ahaa qeybta dhaqaalaha ee Jaamacadda Nairobi wixii ka dambeeyay 1983dii, waxaa uu qeybta dhaqalaha madax ka ahaa markii dabmaba xogheyaha joogtada ah ka noqday wasaaradda bey’adaha, wasaaradda dhulka iyo dib u dejinta, waxaa kale uu madax ka ahaa beeraha iyo horumarinta miyiga inta u dhaxeysay 1999-2001, waxaa kale uu madax ka noqday ICDC.