Abiy Ahmed oo markii ugu horeysay ka hadlay xaalada DDSI iyo ciidanka federalka oo lagu wareejiyey amniga

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qalalaasaha ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo keenay inuu is casilo madaxweynihii maamulkaasi oo xabsi guri ku jira magaalada Addis ababa.

Ra’iisal wasaare oo ka hadlayey magaalada Addis ababa ayaa sheegay in xaaladda gacanta lagu hayo, isla markaana lagu xalin doonio qaab nabadeed iyo wadahadallo, wuxuuna dadka degaankaasi ugu baaqay inay noloshooda caadiga ahayd dib ugu laabtaan oo aysan dheg u dhigin wararka been abuurka ah ee laga faafinayo degaankaasi.

Abiy Ahmed ayaa warkan ka sheegay markii uu magaalada Addis ababa kula kulmay Baaderi Itoobiyaan ah oo dib ugu laabtay magaalada Addis, waxayna wararku sheegayaan inay wadahadal magaalada Addis ababa ku leeyihiin maamulka Soomaalida Itoobiya iyo dowladda Federaalka dalkaasi.

Waxa uu sheegay Ra’iiusl Wasaare Abiy Axmed in Ciidamada Federaalka Itoobiya ay si buuxda ula wareegeen deegaanadii lagu dagaalmay,isla markaana xaalada deegaanadaas ay yihiin kuwa aad u wanaagsan.

Odayaasha labada dhinac ayuu sheegay in lagala hadli doono islamarkaana miiska wadahadalka la isugu keenayo labada dhinac ee ay colaadda u dhaxeyso.

Gaba gabada waxa uu ugu baaqay labada dhinac ee Soomaalida iyo Oromada Dalka Itoobiya in ay xaalada qaboojiyaan,isla markaana sinabad ah ay ugu wada noolaadaan.

Colaada u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada Dalka Itoobiya ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku barakaceyn,iyada oo ay ku faaftay deegaano horleh oo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com