Juba Airways oo sanadkan XAJKA ka baajisay boqolaal xujey ah + Sababta keentay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda diyaradaha Jubba Airways ayaa xajka sanadkan ka baajisay boqolaal Soomaali ah oo lacag iyo Baasaboor ay ka qaadeen waqti hore, kuwaasoo maalmihii ugu danbeeyay lagu soo wargeliyey in loo waayay Visaha Sacuudiga.

Dad ku dhow 1000 ayaa la sheegay inay shirkadda Jubba sanadkan ka baajisay Xajka, iyadoo ay heystaan caqabado kala duwan oo isugu jira fiisooyinka Xajka oo la waayey.

Marka xajka la codsado, ayaa waxaa sanad kasta dhacda iyo kumanaan qof ay xajka waayaan, ayada oo dadka xajka dalbanaya iyo kuwa loo qoondeeyo Soomaaliya aysan isla ekeyn.

Si kastaba, Shirkadda Jubba oo dadaal u gashay inay qaaddo dhammaan sagaalka kun ee qof ee Soomaaliya loo qoondeeyey, ayaa waxaa la siiyey 3000, oo hadda ay dhacday in kun ka mid ah ay qaadi weysay.

Caqabadda kale shirkadda Jubba Airways qabsaday ayaa la sheegay inay ahayd iyadoo cilad qabsatay diyaaradii tegi lahayd xajka, waxayna dadka ay u qaaday sanadkana xajka ay ku daad gureysay diyaarad yar oo sii geysay Jabuuti iyo magaalooyin kale, halkaasoo diyaarado kale ay ku xawishay.

Shirkadda Jubba ayaa dhowr bil ka hor dagaal la gashay madaxda dowladda, oo ay isku hayeen in la dhimo qiimaha Xajka iyo in shirkado diyaaradeed kale xajka laga qeyb galiyo taasi oo Jubba oo xajka haysatay muddo fog ay kasoo horjeeday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com