Somaliland: Dadka Koonfurta ha naga baxaan.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa mar kale amar ku bixiyay in gabi ahaan Soomaalida kasoo jeeda Muqdisho iyo Gobolada kale ee dalka ay isaga baxaan magaalada Hargeysa iyo deegaanada kale ee uu maamulka ka arrimiyo.

Amarkaani oo kasoo baxay Madaxtooyada maamulka iyo Wasaarada arrimaha gudaha maamulka ayaa waxaa dadka kasoo jeeda Koonfurta Somalia loogu baaqay in muddo 7 cisho ah ay isaga baxaan deegaanada Maamulka iyaga oo aan muddo ku kororsan karin maalmaha loo qabtay.

Amarka maamulka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in maamulka uu ganaax dul dhigi doono cidii maalmahaasi loo qabtay ka mashquusha ama aan u hogaansamin amarka, waxaana go’aankaasi lagu sheegay inuu yahay mid aan kanoqosho laheyn.

Dadka kasoo jeeda Koonfurta ayaa durbaba ka hor imaaday amarka maamulka iyaga oo amarkaasi ku sheegay mid aan laga fiirsan oo uu maamulka ku degdegay.

Cusmaan Maxamed oo kamid ah dadka kasoo jeeda Koonfurta kuna sugan magaalada Hargeysa ayaa sheegay in amarkaasi uusan dhag jalaq usiin doonin waxa uuna sheegay in shaqsi ahaantiisa uu yahay muwaadin Soomaaliyeed, Somalilandina ay kamid tahay Somalia.

Cusmaan waxa uu tilmaamay in Hargeysa uu ka bixi doono isaga oo maamulka Somaliland kala kulma dhaawac ama jug uusan kusii joogi karin, inta ka sukeysana uu yahay muwaadin jooga dalkiisa oo aan cidna kala tashan doonin joogista iyo ka bixitaanka deegaanada Somaliland.

Dhanka kale, Madaxda Maamulka Somaliland ayuu ugu baaqay inay yareeyan waxa uu ugu yeeray cunsuriyada si aanu u dhicin midab takoor.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com