Somaliland iyo USA oo ka hadlay aqoonsiga la siiyay Dowlada Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar oo ka hadlaayay shir uu ku qabtay xarunta madaxtooyada Hargaysa ayaa wuxuu sheegay  in arrintaas uusan saamen ku yeelan doonin xiriirka Somaliland iyo xukuumada Washington.

Wasiirka ayaa sheegay in uu magaalada Addis Ababa uu kula kulmay danjiraha Maraykanka u fadhiya Soomaaliya isla markaana ay ka hadleen aqoonsiga la siiyay Soomaaliya.

Wuxuu yiri “ Intii aan joogay magaalada Addis Ababa shirkii midowga Africa, waxaanu kulan la yeelanay safiirka dowladda Maraykanka u fadhiya arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland James Swan, waxa aan ka wadahadlanay arrintii aqoosiga ee dhawaan dhexmaray Maraykanka iyo Soomaaliya, waxan uu wafdiga Maraykanka uu noo xaqiijiyay in arrintaasi aanay ahayn mid saameeneysa xiriirkii iyo wadashaqeyntii iyo cilaaqaadkii horrey uga dhexeeyay dowladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dowladda Maraykanka”

Wuxuu sheegay wasiirka in aqoonsigaas uu gaar u yahay xukuumada Muqdisho, isla markaana dowladda Soomaaliya lagu wargaliyay inta uusan Maraykanka go’aanka qaada, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, dowladda Maraykanka oo dhawaan markii ugu horreysay aqoonsi siiyay dowladda Soomaaliya muddo 21-sano kaddib ayaa sheegtay in Soomaaliya loola dhaqmi doono sida dal madax banaan isla markaana aysan jirin doonin siyaasadii labo geesoodka ee (Dual Track Policy ).

Mar la waydiiyay sida uu arko shirka ka dhacay bisha May 7-deeda magaalada London, kaasoo ay sida wadajir ah u guddoominayaan madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Britain wuxuu ku jawaabay?

“ Illaa hadda shirkaas wax casuumad ah nooga imaanin, xittaa ma ogin sida uu u dhacayo, marka annaga waxan ka sheegno ma aqaano, wax illaa hadda laga dido meesha ma yaala aan sugno xilligiisa.” Ayuu yiri Maxamed Cabdulaahi Cumar.

Somaliland ayaa 21-kii sano ee la soo dhaafay waxa ay raadineysay ictiraaf rasmi ah, laakin arrintaas wax uga hirgalay ma jirto.

Waxa ay sheegtaa in Soomaaliya inteeda kale ay ka go’aday laakin adduunyada wax aqoonsi ah ma siiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa