Somaliland iyo Midowga Yurub oo maanta oo kala saxiixday mashruuc cusub

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo Midowga Yurub ayaa maanta kala saxeexday Mashruuc cusub oo dhanka taariikhda qadiimiga ah ee dalxiiska.

Mashruucan ayaa waxa la sheegay in labada dhinac ay iska kaashan doonaan ilaalinta goobaha taariikhda dalxiiska ee Somaliland, sida Laas-geel oo ay ku duugan yihiin aataarta qadiimiga ah.

Waxaana mashruucan si rasmiya u kala saxeexday Wasiirka Ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland, Maxamuud Xasan iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Nicolas Berlanga.

Mashruucan ayaa maanta lagu kala saxeexday magaalada qadiimiga ah ee Laas-geel oo masaafo ahaan 47-Km dhinaca bariga kaga beegan magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

“Ilaalinta Laas-geel waa dhawrista qeyb kamid ah Hiddaha inaga wada dhaxeeya. Hidduhu waa dhaqan iyo sidoo kale daaqad lagu kobciyo is-fahmka ka dhaxeeya dadka iyo bulshooyinka” ayuu yiri Amb. Nicolas oo ka hadlaya muhiimada Mashruucaasi.

Wuxuuna intaas kusii daray “Midowga Yurub wuxuu barnaamijkan uga gol leeyahay inuu sameeyo biriishyo isku xidhaya jiilalkii hore iyo muwaadiniinta Somaliland iyo bulshooyinka kala duwan ee caalamka”.

Mashruucan ayaa sida la sheegay waxa fulintiisa ka wada-shaqeyn doona Wasaarada ganacsiga & dalxiiska Somaliland iyo Xarunta dhaqanka ee Hargeysa.