Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shaacisay in ay heshiis iskaashi la saxeexanayso Taiwan, kaas oo xooga saaraya amniga badda iyo horumarinta kaabayaasha la xiriira biyaha badda.
Tallaabadan ayaa timid iyadoo ay jirto cabsi sii kordheysa oo ka imanaysa Shiinaha, kaas oo si weyn uga soo horjeeda xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa wareysi uu siiyay Euro Daily Times ku caddeeyay in socdaal rasmi ah laga sugayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan, Lin Chia-lung, oo iman doona Somaliland si labada dhinac ay u bilaabaan hirgelinta iskaashiga.
Wasiirka ayaa sheegay in heshiiska la filayo uusan noqon doonin mid milateri ah, balse uu xoogga saari doono sugidda amniga ganacsiga, la dagaalanka burcad-badeeda, iyo horumarinta qalabka iyo adeegyada loojistikada ee la xidhiidha badda.
Isaga oo faah-faahinaya, Wasiirka ayaa sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan uu ku saleysan yahay is-ixtiraam, wadaagista qiyamka dimuqraadiyadda, iyo rabitaanka horumar nabadeed. Iskaashigu wuxuu ujeedkiisu yahay dan guud, maaha mid ciidan lagu muquuniyo.
Wuxuu intaas ku daray in Geeska Afrika u baahan yahay xasillooni iyo iskaashi, balse aanu u baahnayn tartan hubaysan oo laga abuuro khalkhal cusub. Sidaa darteed, Somaliland waxay doonaysaa iskaashi wax ku ool ah oo si togan uga jawaabaya caqabadaha amni ee ka jira gobolka.
Cabdiraxmaan Daahir ayaa sidoo kale tilmaamay in qorshahani yahay mid dhabar-adeyg u muujinaya yoolka Somaliland ee ah inay noqoto dal madax-bannaan oo xiriir la yeesha cid kasta oo ixtiraam iyo is-kaashi ku dhisan kula dhaqmeysa.
Xiisadda Shiinaha iyo doorka Taiwan
Markii la waydiiyay suurtagalnimada in Shiinaha uu si dadban u taageero SSC si uu Somaliland ugu cadaadiyo xidhiidhka Taiwan, Wasiirku wuxuu ku jawaabay in Somaliland ay ogtahay hanjabaadaha Shiinaha balse aysan madax-bannaanideeda ku beddelan doonin dan gaaban.
Wasiirku wuxuu carabka ku dhuftay in Somaliland ay aqoonsigeeda iyo horumarkeeda ku raadineyso dowlad-wanaag, dimuqraadiyad, iyo taariikh u gaar ah, isla markaana aysan ogolaan doonin in cid shisheeye ahi u yeedhiso.
Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan wuxuu si rasmi ah u bilaabmay sannadkii 2020, waana mid labada dhinac u arkaan inuu ku saleysan yahay qiimaha xornimada iyo rabitaanka dimuqraadiyadda, inkasta oo aysan labada dal midkoodna helin aqoonsi caalami ah oo buuxa.
Dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa si weyn uga horyimid xiriirkaas, iyaga oo dedaal ugu jira sidii loo wiiqi lahaa xidhiidhka Hargeysa iyo Taipei. Shiinaha ayaa arrintan u arkay faragelin lagu wiiqayo mabaadi’diisa “hal qaranimo”.
Bishii Maarso 16-keedii, dowladda Shiinaha ayaa si cad ugu hanjabtay inay tallaabooyin ka dhan ah Somaliland qaadi doonto haddii aysan joojin xidhiidhka ay la leedahay Taiwan, taasoo muujinaysa sida arrintani u kacsan tahay.
Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho, Wang Yu, ayaa warbaahinta u sheegay in Taiwan ay si toos ah u taageerto gooni-isu-taagga Somaliland, taasoo uu ku tilmaamay mid khatar ah. Waxa uu ugu baaqay Somaliland inay ka fiirsato xiriirkaasi.
Dhinaca kale, Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in xukuumadiisu sii xoojin doonto xidhiidhka Taiwan, isla markaana ay wakiil cusub u magacawday xafiiska Somaliland ee Taipei.
Xisbiga Cirro, xilligii uu mucaaradka ahaa, wuxuu ka digay khataraha ka iman kara xiriirka Taiwan, gaar ahaan falcelinta Shiinaha. Balse markay xukunka yimaadeen, waxay doorteen in la sii xoojiyo wada-shaqeyntaas si loo helo saaxiib istiraatiji ah.
Xidhiidhka Taiwan wuxuu Somaliland u keenay taageero siyaasadeed oo ka timid xildhibaano iyo madax ka tirsan dalal reer Galbeed ah oo Taiwan garab taagan. Tani waxay fursad siineysaa Somaliland in ay codkeeda maqashiiso caalamka.
Si kastaba ha ahaatee, hanjabaadaha joogtada ah ee Shiinaha waxay halis ku yihiin fursado badan oo horumarineed, waxaana muuqata in Somaliland ay halis u tahay cadaadisyo siyaasadeed oo dibadda ah, haddii aysan si xeel dheer u wajahin.