Somaliland iyo Taiwan oo kala magacaabay ‘safiiro’

Taipei (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibada Taiwan iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maalmo kadib heshiiskooda xiriir is-dhaafsi waxay  magacaabeen wakiillo kala matali doona labada dhinac oo midna aan aqoonsi ka haysan dunida marka laga reebo Taiwan oo dhowr dal u aqoonsan yihiin dal ka madax banaan Shiinaha.

Wasaaradda arrimaha dibada Taiwan ayaa shaacisay in Danjire Lou Chen-hwa (羅震華) oo hore u ahaa wakiilkii xafiiska ganacsiga iyo dhaqanka ee Taiwan ku leedahay Sacuudiga, loo magacaabay inuu noqdo Wakiilkooda cusub ee Somaliland u fadhin doona.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan, Joanne Ou ayaa sheegay in magacaabistan ay ka danbeysay xiriirka cusub iyo heshiiska ay kala saxiixdeen Taiwan iyo Somaliland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa wakiilka Somaliland u ee Tiawan u magacaabay wiil uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Maxamed Xaaji, Inkastoo si rasmi ah weli aysan ku dhawaaqin xukuumadda Hargeysa.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Taiwan Joseph Wu ayaa shir-jaraa’id uu qabtay ku sheegay in Taiwan iyo Somaliland ay dhisi doonaan xiriir diblumaasiyadeed oo ku saleysan saaxiibtinimo iyo wax wada qabsi.

“Labadeenna dawladood waxay ku heshiiyeen inay isku beddelaan xafiisyada wakiiladda rasmiga ah ee hoos ka shaqeeya xiriirka iyo danaha Taiwan iyo Somaliland,” ayuu yiri Joseph Wu wasiirka arrimaha dibada Tiawan.

Taiwan waxay noqoneysaa waddankii ugu horreeyay ee si dibloomaasiyadeed u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Jamhuuriyada Soomaaliya, hase yeeshee Taiwan ayaanba jirin cid aqoonsan marka laga reebo dalal faro ku tiris ah.