Taipei (Caasimada Online) – Somaliland iyo Taiwan ayaa dhawaan saxiixan doona heshiis iskaashi oo dhanka badda ah, iyadoo caasimadda Taiwan uu haatan gaaray wafdi culus oo ka socda xukuumadda Somaliland.
Wafdigan oo uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa waxaa ku wehliya Wasiirka Madaxtooyada, Khadar Xuseen Cabdi, Taliyaha Ilaalada Xeebaha, Axmed Hurre iyo La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Dibadda, Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud.
Wasiirka ayaa markii uu ka degay Taipei kula hadlay saxaafadda garoonka, isagoo si diirran ugu mahad-celiyay dowladda Taiwan martiqaadka ay u fidisay. Wuxuu tilmaamay in safarka uu yahay mid muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac, isagoo Taiwan ku sifeeyay saaxiib dhow oo Somaliland kala wadaagta qiyamka dimuqraadiyadda, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo dhowrista sharciga.
Inta ay joogaan Taiwan, wafdiga Somaliland ayaa kulammo la yeelan doona madaxda ugu sarreysa ee dalkaasi, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Taiwan Lai Ching-te, Xoghayaha Amniga Qaranka Joseph Wu, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Lin Chia-lung.
Waxaa sidoo kale loogu tala-galay in lagu maamuuso casho sharaf uu martigelinayo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda, Wu Chih-chung.
Mid ka mid ah ujeeddooyinka muhiimka ah ee safarka ayaa ah in labada dhinac kala saxiixdaan heshiis iskaashi oo la xiriira ilaalinta xeebaha, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan.
Wafdigu sidoo kale waxay booqan doonaan xarunta Hay’adda TaiwanICDF, si ay ugala tashadaan mashaariic horumarineed oo socda iyo kuwa mustaqbalka ee iskaashiga labada dal.
Safarkani wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee Wasiir Cabdiraxmaan uu ku tago Taiwan tan iyo markii loo magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda bishii December 2024, taasoo sare u qaadaysa muhiimadda booqashadan.
Somaliland iyo Taiwan ayaa tan iyo 2020-kii xiriir rasmi ah yeeshay, iyagoo iswaydaarsaday xafiisyo matalaad diblomaasiyadeed. Iskaashiga labada dhinac wuxuu ku fiday arrimo badan sida waxbarashada, caafimaadka, tiknoolajiyadda, beeraha iyo maareynta khayraadka dabiiciga ah.
Taiwan ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay sii wadista iyo xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Somaliland, xilli ay wajaheyso caqabado dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ayadu saaxiib dhow la ah Shiinaha, oo isagu si adag uga soo horjeeda gooni u goosadka Taiwan.