Somaliland iyo Taiwan oo kala saxiixday heshiis cusub

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland iyo dhiggeeda Taiwan ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ku aadan dhanka caafimaadka, si hore loogu wado xiriirka labada dhinac.

Heshiiskan cusub ayaa dhigaya in Taiwan ay howl-wadeeno caafimaad usoo direyso Somaliland, kuwaas oo tababar siinayo shaqaalaha caafimaadka ee Hargeysa.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan ayaa lagu faah faahiyey heshiiskan oo Arbacadii ka dhacay Taipei.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in muhiimada heshiiskani ay tahay, sidii kor loogu qaadi lahaa daryeel caafimaadka.

“Heshiiska wuxuu awood u siinayaa saaxiibkeenna geeska Afrika iyo bahwadaagkeenna in ay kor u qaadaan awoodda adeegyada daryeelka caafimaadka ee ay ka faa’iideysanayaan dadka,” ayaa lagu yiru qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan.

Fulinta qorshahan iyo saraakiisha caafimaad ee ay Taiwan soo direyso Somaliland ayaa qeyb ka ah heshiis dhanka caafimaadka oo ay labada dhinac ku kala saxiixdeen Taipei.

Taiwan iyo Somaliland ayaa xiriirkoodu wuxuu soo billowday sanadkii 2020-kii, iyaga oo ku ballamay inay hormariyaan iskaashiga ay haatan leeyihiin labada dhinac.

Si kastaba, dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa si weyn uga soo horjeeda xiriirka tooska ah ee Somaliland iyo Taiwan, maadaama ay qeyb ka yihiin dhul ahaan labada dal.