Mowqifka Somaliland ee madax dhaqameedyadii ka tegay magaalada Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa meel adag iska taagtay waan-waan ay muddooyinkii dambe wadeen madax dhaqameed ka tegay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo hadda ku sugan magaalada Garoowe, kadib markii ay socdaal ku tageen magaaladda ay colaadda ka taagan tahay ee Laascaanood.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa sheegay in marnaba ay Somaliland aqbali doonin waan-waan ay garwadeen ka yihiin odayaal ka socda Koonfurta Soomaaliya, xilli ay sii daba-dheeraatay colaadda ka taagan xarunta gobolka Sool.

“Ugaaskan ka degay Garoowe ee kooxda wata ee Laascaanood yimid in haddana maanta la yidhaahdo Somaliland ayay imanayaan waa nasiib xumo, oo toodii ayaa qasan oo u baahan,” ayuu yiri

“Waxba dhex-dhexaadineyna ay leeyihiin weligeen reer Somaliland iyo Laascaanood lama dhex-dhexaadin oo dhaqan ayaa leenahay oo geed ayaa wada fariisan jirnay, intaas ayaa wada nooleyn. Maanta faraha shisheeye ayaa ku jire ha ka baxeen faraha shisheeye.”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa wuxuu ugu baaqay hoggaanka SSC inay iska saaran dad uu sheegay inay meesha u dhalan oo dhaqan xumo ku haya, “Dadkii soo celiya aad guryahoodii ka saarteen, iska saara dadkaan meesha u dhalan ee dadka bililaysanaya.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay Faysal oo baaq nabadeed u diray garaadada ku sugan magaalada Laascaanodo “Nabadda qaata oo nabad lama diido, wixii inaga xumaaday waan hagaajisaneyna.”

Ugu dambeyntiina waxa uu guddoomiyaha si weyn u dhaliilay hanaanka ay xukuumadda Somaliland ku wajaheyso colaadda ka taagan xarunta gobolka Sool, isaga oo madaxweyne Muuse Biixi ka dalbaday in uu la yimaado qorshe cad oo xal kusoo dabaala xiisadda dagaal ee halkaasi ka taagan.

“Doorashadii wey ku sugeysa madaxweyne, Laascaanood wey ku sugeysa oo waa qabyo, dalka dhaqaalihiisi waadiga arkaya waa qabyo oo dalka wuxuu u baahan yahay inuu socdo oo shaqeeyo. Guri ayaa iska fadhinaya oo kolba reer ayaa u yeedhanayaa, sidaas dal laguma wado ee dal waxaa lagu wadaa siyaasad, istiraatijyada iyo wada-tashi.