Dabageed oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan khilaafka HIRSHABELLE

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo haatan ku sugan magaalada Nairbi ee caasimada dalka Kenya ayaa ka hadlay khilaafka cusub ee ka dhex qarxay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan iyo wasaaradda maaliyadda ee HirShabelle, kaas oo ku aadan mideynta canshuuraha maamulkaasi.

Yuusuf Dabageed ayaa taageero u muujiyay guddoomiye Cali Jayte oo ka biyo diiday in canshuurta Hiiraan si toos ah loogu shubo qasnadda wasaaradda maaliyadda HirShabelle.

Madaxweyne ku xigeenka oo qoraal soo saaray ayaa sidoo kale ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara khilaaf horleh, isla-markaana dib u dhigi kara howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu ku taliyay in lagu socdo hannaankii hore ee canshuuraha inta laga xalinayo khilaafka haatan soo shaac baxay.

Arrintaan ayaa waxaa sidoo kale ku kala qaybsamay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo garabna taageeray go’aanka wasaaradda maaliyadda HirShabelle, halka uu si cad uu diiday Mudane Cali Jayte Cismaan.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in qorshahaan uu keeni karo habacsanaan dhan walba ah oo ay ugu horeyso in lagu wiiqayo guulahii la gaaray howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

“Madaama aay muhiim tahay in amaanada Shacabka la xafido oo aan lagu takri falin laguna Degdegin waxa danta guud ah ayadoo loo eegayo si xilkasnimo ah daruufaha aay ku jiraan shacabka Reer Hiiraan aawadeed. ma jirto sabab aan waqti kaga Dhumino shacabka oo dagaal kula jiro khawaarijta Dhaqaalahooda, hooseeyo waxii aan ku kabeeynay Misaaniyada dagaalka iyo kabka adeegyada Maamulka in lagu bixiyo maanta , in loo weeciyo wax qorshaheeda waqtiyeed aanan la hubin kuna dhisan mustaqbal fog oo aan laheyn qorsho Degsan oo dhab ah midaas oo shacabka ku rideeyso dhiig bax dhaqaale oo aan soo kabasho laheeyn iyo dib u dhac maamul oo sababi karo Dayac amni oo baahsan iyo dib u noqosho cadawga hiil u ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marnaba aysan ogolaan doonin in hantida shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ay ku baxdo meel aan hubanti laheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan oo isna shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baledweyne, isaga oo ay hareera fadhiyeen xubno ka tirsan maamulka gobolka, ayaa sheegay in la mideynayo canshuurta maamulka Hirshabelle, isla-markaana ka maamul ahaan ay ogolaadeen in canshuurta Hiiraan lagu shubo qasnadda wasaaradda maaliyada maamulka Hirshabelle.

Si kastaba, xisaddan cusub ee ka taagan HirShabelle ayaa kusoo aadeysa, xilli haatan maamulkaasi uu wajahayo daruufo isbiirsaday, sida dhaqaale yari, fatahaad iyo dagaal ka dhan ah Al-Shabaan oo weli ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.