Sawirro: Ciidanka DF ee ka dagaalamaya Galgaduud oo gacanta ku dhigay 12 nin oo…

Galcad (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka wada aagga deegaanka Cali Afrax oo 12 KM u jira magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka oo ku sii siqaya deegaano hor leh ayaa gacanta ku dhigay tiro maleyshiyaad ah, kuwaas oo isku dayey inay iska dhigaan dad shacab ah, waxaana xubnihii la qabtay ku socda baaritaan.

12 nin oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa gacanta lagu dhigay, kuwaas oo dadka deegaanku ay ciidanka u far-muuqeen ama ku war-geliyeen inay ka tirsanaayeen kooxda.

Bulshada deegaanka Cali Afrax ayaa ciidanka ku soo dhaweeyay deegaanka oo Shabaab-kii joogay ay isaga carareen, sida ay Caasimada Online u sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

Al-Shabaab waxay maalin ka hor deegaanada hoos taga Galcad uga carareen gaadiidkoodii, kadib markii ay soo wajahday shidaal la’aan baahsan, maadaama ay go’doomisay dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ururka 9-aad, guutada 18-aad ee ciidanka Gor Gor, Maxamed Abuukar Xasan (Shaarib) ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in hadda ay 43 KM u jiraan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ah halka degmo ee gobollada dhexe ay Al-Shabaab ka joogaan.

Sarkaalkaan ka tirsan ciidanka Gor Gor ee Galgaduud ka dagaalamaya ayaa sheegay in deegaanada ay kooxdu joogto uu ka jiro khilaaf adag, kadib markii qaar ka mid ah ay go’aanadeen inay isku soo dhiibaan dowladda, qaarna diideen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in deegaanada qaar ay dadkii shacabka ahaa ka daba carareen kooxda, isla markaana ay u suurta-gashay inay dib deegaanadooda uga soo celiyaan qoysaska qaar.

Iyadoo dhulkaan ay colaadi ka jirto oo ciidanka qaranka ay si joogto ah u baacsanayaan kooxda Al-Shabaab, waxaa la soo weriyaa inuu ka da’ayo roob lixaad leh oo aad u saameeyey dadka shacabka ah ee ka qaxaya deegaanadooda.

Kooxda Al-Shabaab waxaa la sheegay in shacabka ay ku kalifeyso inay ka qaxaan deegaanooda, markii ay gudaha u soo galaan ciidamada dowladda, si ay gabaad uga dhigtaan oo aan loo duqeyn markii ay duurka u baxaan.