Maxay ka dhigan tahay booqashada Antonio Guterres ee Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa Talaadadii booqasho taariikhi ah ku yimid Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Antonio Guterres ayaa Soomaaliya yimid markiisii labaad, wuxuuna booqashadiisii ugu horreeyay dalka ku yimid, 2017-kii, xilligaas oo ay Soomaaliya wajaheysay xaalado adag.

Xoghayaha ayaa isla shalay booqday xeyaha barakacayaasha ee ku yaalla magaalada Baydhaba, si usoo qiimeeyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira halkaasi, sidoo kale waxaa xalay munaasabad maamuus ah loogu sameeyay gudaha xarunta Villa Soomaaliya.

Haddaba, maxay ka dhigan tahay booqashada Guterres ee Soomaaliya? 

Aqoonyahan Axmed Cabdi Haadi oo bare jaamacadeed ka ah magaalada Muqdisho ayaa sheegay in booqashada Antonio Guterres ay tahay mid muhiim ah, isla-markaana ay indhaha caalamka kusoo jeedineyso Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in booqashadiisa ay salka ku heyso xaaladaha bani’aadanimo ee ka dhashay abaaraha baahsan ee haatan ka jira koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

“Soomaaliya wuxuu u doortay daruufaha abaareed ee dalka ka jira inuu indhihiisa ku arko iyo inuu fiiriyo sida ay u shaqeeyaan hay’adaha QM ee ka howlgala dalka” ayuu wareysigan ku yiri Axmed Cabdi Haadi.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday booqashada Xoghayaha Guud ee QM uu ku tegay magaalada Baydhaba, gaar ahaan xeryaha barakayaasha, wuxuuna tilmaamay in sawirkaas uu adduunka kaga imaan karo qaaraan ay hesho dowladda federaalka.

“Dhinaca bani’aadanimada kaamiskii uu tegay Baydhaba annaga in dalkeena kaamis la tago oo carruur rafaadsan ka arko caadi bey nala tahay, laakiin adduunka caadi nalama aha marka sawirkaaas uu meesha kusoo galay qaaraan badan oo addduunka kaga imaan karo ayaa jiro Soomaaliya, iyadana sidaas darteed ayuu u sameynayaa” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jiro xaalado isbiirsaday, waxaana gudaha ku barakacay ku dhowaad 3 milyan, halka ay gargaar u baahan yihiin kala bar shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay baaqdeen shan xilli roobaan oo xiriir ah, sid ay sheegeen hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadanimada ee dalka.