Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Qaybta Guud ee Booliska oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dhalinyaro Jimcihii lagu xir-xiray gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhigayay dibadbax cabasho ah.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dhalinyarada lasoo xiray ay ku lug lahaayeen falal abaabulan oo rabshado iyo saxmad looga sameeyay baro hubin oo ay ciidamada amnigu ay ka sugayeen, kadibna gacanta lagu dhigay.
Booliska ayaa sheegay in dhalinyaradan ay abuureen qalqal-gelin amni oo saameeyay isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka.
Sidoo kale, Taliska ayaa sheegay in haatan ay baaris ku socoto ragga lasoo qab-qabtay, isla markaana si deg-deg ah loo horgeyn doono cadaaladda.
“Eedaysanayaashan oo abuuray xaalado khatar ku ah amniga, xasilloonida iyo isu socodka bulshada, ayay ciidamada amnigu ka qabteen Goob Amniga laga sugayay, Waxaana hadda ku socda baaritaanno hordhac ah, iyadoo loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh, Sidoo kale, hay’adaha amniga ayaa weli ku daba jira shaqsiyaad kale oo ku lug leh falal noocan oo kale ah, si sharciga loo Waafajiyo,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Ciidamada Booliska.
Dhanka kale, Booliska ayaa fariin u diray shacabka, wuxuuna ugu baaqay inay ka digtoonaadaan ku lug lahaanshaha falalka amni darrada aha. Waxaa kale oo uu Boolisku shaaciyay in aan la ogoleyn banaabaxyada aan sharciyeysneyn, isla markaana cid kasta oo aan fasax haysan laga qaadi doono tallaabo adag.
“Hay’adaha amniga waxay markale bulshada ugu baaqayaan inay ka fogaadaan falal abaabulan oo lid ku ah amniga, xasilloonida iyo isu socodka Caasimadda. Waxaa sidoo kale la ogeysiinayaa bulshada inaan la oggolayn bannaan-baxyo ama isu imaatin aan sharciyeysneyn oo aysan fasaxin hay’adaha amniga, islamarkaana aan la qaban karin iyadoo aan la marin habraacyada amni ee muhiimka ah,” ayaa markale lagu yiri bayaanka.
Maalmihii u dambeeyay hay’adaha amniga ayaa ka hortegay dibadbaxyo ay soo abaabuleen mucaaradka oo ku doodaya in muddo xileedkii uu ka dhammaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna mar kale iclaamiyeen isku soo baxyo kale oo loo ballansan yahay 4-ta bisha June.


