Jeneraal Odawaa Yuusuf oo shacabka u diray farriin la xiriirta dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho ( Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa soo saaray warqad hambalyo ah oo ku socota ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo maanta u dabaal-degaya sanad guuradooda 63-aad.

Sanadka kasta 12-ka bisha April waxay ciidanka xoogga dalka u dabaal degaan sanad guuradooda ka soo wareegatay markii la aas-aasay sanadkii 1960-kii.

“Geesiyaasha qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta, waxaan ku boorinayaa inay sida geesinimada leh oo ay uga guul gaareen howlgalladii ay fuliyeen,” ayaa lagu yiri qoraalka Jeneraal Odowaa.

Sidoo kale Taliye Odowaa ayaa codsi u diray shacabka Soomaaliyeed, si looga guuleysto kooxda Al-Shabaab oo dagaal adag uu kula jiro ciidanka xoogga dalka.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmayaa inay ciidanka qaranka ku garab siiyaan sidii loo ciribtiri lahaa Khawaarijta baneysatay dhiigooda, maalkooda iyo sharaftooda,” ayuu ku sii daray qoraalka Jeneraal Odowaa.

Ugu dambeyntii Taliyaha ciidanka xoogga dalka wuxuu guul u rajeeyey ciidanka qaranka ee furimaha ka dagaalamaya, si ay u tirtiraan kooxda Al-Shabaab.

Sanad guuradaan ayaa ciidanka xoogga dalka uga duwan kuwii hore, wuxuuna sanadkaan u dhalanayaa ciidanka, iyadoo ay dagaal adag kula jiraan Al-Shabaab oo gobollada dalka ay ku wajahayaan dagaalo adag.

Munaasabadda dabaal-degga sanad guurada ciidanka xoogga dalka ayaa xoogeeda lagu qaban jiray magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta wasaaradda gaashaandhigga, iyadoo halkaas lagu soo bandhigi jiray dhoolatus militeri oo Madaxweynaha dalka uu ka qeyb geli jiray.

Balse sanadkaan waxaa loo badinayaa in taasi aysan u suurta galeyn ciidanka, waxaana furimaha dagaalka ku maqan dhamaan saraakiishii ugu sareysay ciidanka xoogga dalka oo ay ugu horeeyaan Taliyaha guud Jeneraal oo Sh/Dhexe jira iyo Taliyaha ciidanka dhulka oo Galgaduud jira.