Mareykanka iyo Sacuudiga oo furay wada-hadal la xiriira colaadda dalka Yemen

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cad ayaa sheegay in la taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan uu la hadlay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, kadin xiriir uu la sameeyay Talaadadii.

Labada mas’uul ayaa waxaa ka wadahadleen Iran iyo tallaabooyinka lagu soo afjarayo dagaalka Yemen.

Baaqan ayaa yimid kadib markii dhawaan Beijing ay heshiis kusoo celisay xiriirka Sacuudiga iyo Iran oo ah quwadda gobolka ugu weyn ee Bariga Dhexe, iyada oo heshiiskaas uu ahaa mid aan laga qeybgelin Mareykanka.

Wasiirrada arrimaha dibadda Iran iyo Sacuudiga ayaa toddobaadkii hore ku kulmay magaalada Beijing kadib markii ay ku heshiiyeen inay soo afjaraan khilaafkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay kadib sanado badan oo cadaawad ah oo sii hurisay colaadaha ka taagan bariga dhexe.

“Mr Sullivan iyo dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed bin Salmaan waxay sidoo kale ka wadahadleen isbeddello ballaaran oo ku wajahan hoos u dhaca gobolka, iyagoo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in laga hortago hanjabaadaha Iran iyo meelo kale,” ayuu Aqalka Cad bayaan uu soo saaray goor dambe oo Talaadadii ku sheegay.

Sacuudi Carabiya iyo Iran, oo ah quwadaha ugu awoodda badan Muslimiinta Suniyiinta iyo Shiicada, waxay sheegeen inay billaabayaan qabanqaabada dib loogu furayo safaaradaha iyo qunsuliyadaha muddada labada bilood ah ee ku qeexan heshiiskooda Shiinaha.

VOA + Reuters.