Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa dhinaca saaray Dowladda Imaaraadka Carabta oo dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay baabi’isay dhammaan heshiisyadii hore loola galay.
Xukuumadda Somaliland ayaa si cad u sheegtay in Imaaraadku yahay saaxiib istiraatiiji ah oo door muuqda ka qaatay horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee ay leedahay.
Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa toddobaadyadii u dambeeyay si joogto ah u muujinayay qiimaha ay siinayaan xiriirka u dhexeeya Hargeysa iyo Abu Dhabi.
Wasiirka Madaxtooyada, Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in Imaaraadku aqoonsaday muhiimadda Somaliland xilli ay dalal badan shaki ka muujiyeen, uuna qeyb weyn ka qaatay horumarkeeda.
“Imaaraadku wuxuu Somaliland u yahay dal aad u muhiim ah. Markii caalamku kalsooni badan ku qabin qiimaha dekedda Berbera, ayay Imaaraadku arkeen fursaddaas, waxayna maalgeliyeen xilli baahi weyn u qabnay,” ayuu yiri Wasiir Khadar oo wareysi siiyay AFP.
Wuxuu intaas ku daray in labada dhinac ay leeyihiin iskaashi istiraatii ah, isla markaana xiriir dhaqaale oo wanaagsan uu jiray xitaa ka hor maalgashiga ay Dubai ku samaysay kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland.
Dhankiisa, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro oo wareysi bixiyay ayaa tilmaamay in xiriitka Somaliland iyo Imaaraadka uu sii xoogeysanayo sannadba sannadka ka dambeeya.
Imaaraadka ayaa sidoo kale u fududeeyay Madaxweyne Cirro inuu si rasmi ah uga qayb galo Shirka Dowladaha Adduunka ee ka qabsooma Dubai labadii sano ee u dambeeyay, inkastoo dowladda Soomaaliya ay arrintaas hore uga muujisay “diidmo adag.”
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horraantii sanadkan baabi’iyey dhamaan heshiisyada iyo is-afgaradyada ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas ku saabsan dhinacyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah.
Go’aankan ayaa sidoo kale khuseeyay dhammaan heshiisyada iyo wada-shaqaynta uu Imaaraadku ku lahaa dekedaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo.
Tallaabadan ayaa la xiriirta warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya.

