Somaliland oo digniin kasoo saartay qorshe ka dhan ah Abiy oo ka socda Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa soo saartay go’aan ay uga digayso in gudaha deeganadeeda lagu qabto shirar iyo abaabul ka dhan ah Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Wasiir kuxigeenka Amniga ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland, Cabdinaasir Caydiid ayaa weliba si cad ugu digay dadka ajaanibka ah ee ku nool gudaha Somaliland ee kasoo jeeda dalka Itoobiya, kuwaasi oo laga cabsi qabo inay qabtaan kulamo ka dhan ah Abiy.

Wasiirka ayaa sheegay inaysan marnaba ogolaan doonin xukuumada Muuse Biixi in gudaha deegaanadeeda, gaar ahaan caasimada Somaliland ee Hargeysa ay abaabul ka bilaaban dadka Ajaanibka ah ee aan u dhalan Somaliland.

Cabdinaasir Caydiid ayaa carabka ku adkeeyay in marnaba suurtogali doonin in gudaha Somaliland uu wax ka dhex mucaarido qof ajaanib ah, isla markaana uu warbaahinta uga hadli karin arrimaha siyaasada.

“Ajaanibka umaanu ogolaanin inay Fawdo Waddanka ka abuuraan, imika qaar baa la sheegayaa inay Shirar ka shaqaynayaan, waxaanu ballan-qaadaynaa hadday Shirarkaa isugu yimaaddaan oo ay rasmi ah noqoto inaanu ka qaadi doono Tallaabo Sharciga waafaqsan” ayuu yiri Wasiir Caydiid.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu haynaa Magacyadooda, meelaha ay ka shaqeeyaan, Cidda ay yihiin ayaanu garanaynaa, kuwaa iyo kuwa la midka ahba ama Oromo ha noqdaan ama Itoobiyaan oo dhan ha noqdaane”.

Talaabadan ay xukuumadu ku mamnuucayso shirarka ay qabsanayaan dadka ajaanibka ah ee ku nool gudaha Somaliland, ayaa si gaar looga dan leeyahay qoomiyada Oromada oo iyadu maalmihii u dambeeyay waday abaabul iyo shirar ka dhan Abiy Axmed.

Xukuumada Somaliland ayaa u muuqata mid si cad u garab istaageysa ra’iisal wasaare Abiy oo dibad baxyo looga soo horjeedo ay ka socdaan dalka Itoobiya, gaar ahaan caasimada dalkaasi ee Addis Ababa.

Dibad-baxyada ugu badan ayaa ka socda caasimada iyo gobolka Oromia ee ku hareereysan, halkaasi oo ah xudunta dadka Oromada, oo ah qowmiyad muddo ka cabaneysay inay caburiyeen qowmiyado kale oo ay ka tiro badan yihiin balse dalka maamulayey.

Waxaana labo maalmood gudahood rabshadahaasi ku dhintay 81-qof, sida uu Arbacadii sheegay madaxa booliska, kadib markii la dilay heesaaga caanka ahaa ee kasoo jeeday qowmiyadda ugu tirada badan dalka ee Oromada