Xog: Guddoomiye Mursal oo xeerkii metelaadda gobolka Banaadir u bedelay qaraar

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa Xeerkii metalaadda Gobolka Banaadir u bedelay Qaraar, una kala diray xukuumadda iyo labada Guddi ee dib u eegista Dastuurka.

Qoraal kasoo baxay Guddoomiye Mursal 27-kii June 2020 oo ku socday Wasaaradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya, Guddiga labada aqal ee Baarlamaanka u qaabilsan dib u eegista Dastuurka iyo Guddiga kale ee madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka, ayaa Xeerka metelaadda G/Banaadir looga dhigay Qaraar kasoo baxay Baarlamaanka Federaalka.

Qoraalka oo sidoo kale la ogeysiiyey Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu caddeeyay inuu dhaqan gelayo marka uu saxiixo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh, iyadoo su’aalo sharci iyo shaki badan ka dhasheen sida guddoomiyaha Baarlamaanka arrintan u wajahay.

Xeer ka mida dhammeystirka Sharciga Doorashada ayaa qaraar loo bedelay, taasoo aan ku socon qorshihii hore, waxaa kaloo qaraarkan loo diray Wasaarada Dastuurka ee xukuumadda, iyadoo Qaraarrada kasoo baxa Baarlamaanka aan lagu celin xukuumadda ee Aqalka Sare ay ahayd in loo diro ama madaxweynaha si uu u saxiixo. Waxaa qoraalka ku cad inuu qaraarka dhaqan galay markii uu saxiixay guddoomiyaha Baarlamaanka, taasoo ka baxsan awoodda guddoomyaha Baarlamaanka.

Arrimahan oo dhan waxay muujinayaan in xeerka metelaadda Gobolka Banaadir iyo xeerarka kale ee Dorashada ay isku qasan yihiin, sharci ahaanna loo duray, iyadoo aanu gudoonka Baarlamaanka ogoleyn in loo gudbiyo Aqalka sare iyo madaxweyaha, balse ay hadda u direen Guddiga dib u eegista Dastuurka iyo Wasaarada Dastuurka halkii ay ogeysiin ka siin lahaayeen.

HOOS KA AKHRISO