Golaha wasiirada oo maanta go’aamiyey xilliga dib loo furayo duulimaadyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii Khamiis-laha ahaa, waxaana shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeen xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka golaha ayaa maanta waxaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin duullimaadyada dalka oo mudo hakad ku jiray, kadib markii loo joojiyey khatarta faafitaanka cudurka COVID-19.

Golaha wasiirrada ayaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyey in dib loo furo duullimaadyada gudaha dalka, si loo fududeeyo isu socodka Bulshada, iyada oo lagu dhaqmayo talooyinka xakameynta faafitaanka COVID-19, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xukuumadda.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in duullimaadyada gudaha dalka dib loo furayo maalinta Axadda ah ee soo socota taariikhduna ku beegantahay 5-ta July, iyada oo maalintiiba ay dowlad gobaleedyada dalka tageyso hal diyaarad.

Shirka golaha ayaa, dhanka kale, lagu meel mariyay Heshiiska Gaadiidka Badda ee Soomaaliya iyo Qatar iyo Hindise-sharciyeedka Summadaha Ganacsiga.

“Golaha waxuu sidoo kale ansixiyay Is-afgarad ganacsi oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, Is-Afgarad ku Saabsan Samaynta Guddi Sare oo isku dhaf ah, kaas oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar, Is-Afgarad ku Saabsan Machadka Diblomaasiyadda oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar, Is-Afgarad la xiriira wada-tashiga siyaasadeed ee qadiyadaha ay wada danaynayaan labada wadan ee Soomaaliya iyo Qatar” ayaa lagu yiri qoraalka.