Somaliland oo wajaheysa carada iyo dagaalka China

Hargeysa (Caasimada Online) – Taiwan ayaa ogolaatay in ay xiriir diblomaasiyadeed la sameysato Somaliland oo aan la qoonsan, laakiin Istiraatiiji ahaan muhiim ah, waana tallaabo macquul ah oo keeni karta xiriir diblomaasiyadeed, taasi oo ka careysiin karta Shiinaha oo aad u maalgeliyay xiriirka uu la leeyahay Afrika.

“Tani waa talaabadii ugu horreysay ee nooceeda ah oo u dhaxaysa labada Dowladood, halkaas ayaanna kasii socon doonaan” waxaa sidaas yiri Liibaan Yusuf Cusmaan oo ah wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Somaliland.

Wasiir Liibaan ayaa intaas ku daray, “Somaliland oo madax-banaanideeda ku dhawaaqday 1991-kii waxay wakiil usoo diri doontaa Taipei waxayna ka furan doontaa xafiis.”

Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa sheegtay in labada wadan ay dhisanayaan xiriir laba geesood ah oo ku saleysan qiyamka ay wadaagaan.

“Horay ayaan ugu soconeynaa in aan xafiisyo wakiilo ah ka furano labadda wadanka in aan u balaarino iskaashiga labada dhinacba faa’iidada u ah,” ayey ku tiri war ay twitter-ka kusoo qortay.

Taiwan waa dal madaxbanaani doon ah, laakiin Shiinaha ayaa sheegta in ay tahay dhul ka tirsan Jamhuuriyadda dadka Shiinaha.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Taiwan ay la sameysatay Somaliland waxaa uu qayb ka yahay dib u riixista saameynta adag ee Shiinuhu ku leeyahay dunida. Waxayna kusoo aadeysaa iyadoo amaantii uga timid dalalka Dimoqaraadiyadda taageera ay ku guul dareysatay in xiriir diblomaasiyadeed u turjunto guusha Taiwan ay ka gaartay xakameynta Coronavirus.

Markii Midowga Europe ay todobaadkaan xuduudahooda dib ugu fureen dalxiiseyaasha, Taiwan waxay ka maqneyd liiska dalalka, inkastoo wadanka loo tirinayo in uu yahay mid ka mid ah dalalka ugu badqabka badan aduunka marka loo eego saameynta Coronavirus.

Joseph Wu oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Taiwan ayaa iskaashiga Somaliland ku tilmaamay sii wadista dadaaladda Taiwan ay kula shaqayneyso dalalka ay qiyamka wadaagaan.

“Somaliland waa dimoqaraadiyad, waxay qabteen seddax doorasho madaxtooyo oo guuleysatay iyo awood isku wareejin,” ayuu yiri Mr. Wu.

Sidoo kale waxaa uu carabka ku adkeyay in Taipei iyo Hargeysa ay isula dhaqmeen sida dalal madax-banaan, isagoo intaas ku daray in macdanta ay qaniga ku tahay Somaliland ay noqon karto danaha Taiwan.

Wasiir Liibaan Yuusuf Cusmaan ayaa dhankiisa sheegay in labada wadan ay iska kaashan doonaan meelo dhowr ah, oo ay kamid tahay amniga, beeraha, waxbarashada, kalluunka, tenchnology-yadda iyo dowladnimada.

“Somaliland waxay ku taalla meel istiraatiiji ah oo ku teedrsan badda Cas, waxaana mar walba ka jiro argagax iyo rabshad.Taiwan waa wadan aad u horumaray oo leh ciidan horumarsan ee badda waxaana horay ugu soconeynaa in aan iska kaashano qaybahaas” ayuu yiri wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland.

Keliya 15 wadan ayaa Taiwan aqoonsan, kuwaas oo aqoonsigoodii gaabiyay markii ay xiriir diblomaasi ah la sameysteen Shiinaha.

Qaaradda Afrika, Boqortooyadda Eswatini keliya ayaa qoonsan Taiwan, kadib markii Burkina Faso ay xiriirkeedii dib ula yeelatay Beijing sanadkii 2018-kii.

“Waxaa jira Juquraafi-siyaasadeed weyn oo meesha yaalla,” ayuu yiri Murithi Mutiga oo Kooxda Xasaradaha taxliiliye uga ah xiriirka isu soo dhowaaday ee Somaliland iyo Taiwan.

“Waxay adkeyneysaa tartan weyn oo awoodda ah oo lagu cayaarayo Geeska Afrika.” Mr. Liibaan Yuusuf Cusmaan waxaa uu sheegay in Somaliland ay fahansantahay “arrimaha siyaasadda” ee u dhexeeya Shiinaha iyo Taiwan, balse kama uusan baqeynin falcelinta Beijing.