Somaliland oo faah-faahisay dagaalka ay ku qaadeyso magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Milateriga Somaliland oo hore ugu dhawaaqay inuu dagaal qorsheysan ku qaadayo magaalada Laascaanood ayaa waxa uu markale sheegay in howl-galka ay qaadayaan ciidamada uu yahay mid lagu soo dabaalayo nabadii iyo deganaashihii ka jiray halkaasi.

Milateriga Somaliland ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay in howl-galkooda uu yahay mid lagu soo afjarayo xiisadda colaadeed ee Laascaanood, islamarkaana lagu soo nabad-gelyadii hore uga jirtay gobolka.

Sidoo kale waxaa qoraalka Milateriga Somaliland lagu xusay in saldhiga Goojacadde oo fadhiisin u ah ciidamada Somaliland uu haysto taageero caalami ah, kaasi oo la sameeyay tan iyo markii u qarxay dagaalka SSC iyo Somaliland ee Laascaanood.

“Howl-galka nabad soo celinta ee hadda socda u jeedadiisa ugu wayni waxa weeyi in nabad iyo deganaasho lagu soo celiyo Laascaanood,” ayaa lagu yiri qoraalka Milateriga Somaliland oo iclaamiyay inuu dagaal qorsheysan ku qaadi doono xarunta gobolka Sool.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka Somaliland “Saldhiga Goojacadde waxaa aas-aasay ciidamada difaaca Soaliland, waxaana taageeray Qaramada nabada iyo dimuquraadiyada jecel ee beesha caalamka.”

Dagaal Laascaanood oo socda bishii labaad oo xiriir ah ayaa waxa uu milateriga Somaliland uu maalmo kahor sheegay in uu dhankiisa uu kasoo baxayo is-difaaca, ayna qaadayaan dagaal qorsheysan oo dib loogu soo celinayo Laascaanood gacanta maamulka.

Dhawaaqa kasoo baxay ciidanka Somaliland ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah, kadib muddo ku siman laba bilood ah oo ay Somaliland xabad-joojin ku dhawaaqaysay, ayada oo Isimida SSC ay dhankooda sheegeen inay diyaar u yihiin dagaalka ay la dagaalamaan Somaliland.

“Somaliland intii ay dulqaadanaysay way dulqaadatay, anagu warqad yar oo la xar-xariiqay soo dhigi mayno websteyada, balse dagaal qorshaysan oo millateri ayaan qaadi doonaa, wax badan ayaan gacmaha laabanaynay, hadda dagaal ayaan diyaar u nahay,” ayuu yiri Cabdi Dheere oo ah Afhayeenka ciidanka militeriga Somaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa ku doodeysa in wixii dagaal dhacay aysan ciidamadeedu qaadin hal weerar oo ayaga un lasoo weerarayey, sidaas darteed ay hadda wixii ka dambeeya aysan gacmaha laaban doonin oo weerarro culus ay qaadi doonaan.