Somaliland oo garoonka Hargeysa kasoo ceyrisay shaqaalaha hay’adii DF ku wareejisay maamulka hawada

Garoowe (Caasimadda Online) – Maamulka Somaliland ayaa Garoonka DIyaaradaha ee Magaalada Hargeysa ka ceyriyey Shaqaalaha Hay’adda Qaramada Midoobay ee ICAO ee halkaas ka howlgeli jiray.

Somaliland ayaa shaqaalahaan usoo ceyrisay sababo la xiriiro inay Dowladda Federaalka Soomaaliya hey’adaan ku wareejisay Maamulka Hawada.

Shaqaalahaan lasoo ceyriyey ayaa si deg deg ah u gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland sida uu xaqiijiyey Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada dowladda Puntland, Xuseen Cismaan Lugatoor Gabiley.

Wasiirka ayaa shaaciyey in Maamulka Somaliland uu shaqo joojin ku sameeyey dhammaan Shaqaalihii Hey’addaan sidaas darteedna ay uga howlgaleen Garoonka Diyaaradaha Garoowe.

Wuxuu sheegay in Garoonka Diyaaradaha Garoowe laga shaqaaleysiiyey 9 kamid ah shaqaalaha Hey’adda ICAO oo 7 kamid ah ay yihiin kuwii laga soo ceyriyey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.

28 December 2017 ICAO ayaa si rasmi ah maamulka Hawada Soomaaliya ugu wareejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hey’adaan ayaa Hawada Soomaaliya maamuleysay tan iyo burburkii Dowladda uu hoggaamiyaha ka ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay maamulka Hawada Soomaaliya kusoo celiso gudaha Soomaaliya, waxayna taas keentay khilaaf xoog leh oo soo kala dhex galay Somaliland iyo Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com