SOMALILAND oo go’aankii xiridda MASAAJIDADA uga laabatay hal sabab darteed

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta gebi ahaanba ka laabatay go’aankii ay hore ugu joojisay in lagu tukado Masaajida deegaanadeeda, kaasi oo dhaqan galayey maanta, kadib markii ay si adag uga hadleen Culimada ugu caansan Somaliland.

Culimada Somaliland ayaa si adag uga hor-yimid xidhida Masaajidyada, xili ay furan-yihiin dhamaan goobihii Dadweynaha, isla markaana uu deegaanadeeda si maalinle ah u yimaado Qaadku, kaasi oo uga yimaada dalka Itoobiya oo cudurka Coronuhu uu faro ba’an ku hayo.

Sheekh Khaliil, Wasiir Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in uusan jirin Go’aan ay ku xidhayaan Masaajidyada, iyada oo hore ay Guddiga u diyaar garowga iyo ka hortaga cudurka COVID-19 ee Somaliland uu soo saaray go’aan lagu joojinayo in lagu tukado Masaajidda.

Wasiirka ayaa sheegay in sidii caadiga ahaa loogu tukan doono Masaajidyada, midaasi oo ka dhigan in Xukuumada Muuse Biixi ay ka laabatay go’aankii hore ee ay ku xidhaysay Masaajidyada, kaasi oo dhaliyay cadho dadweyne.

Somaliland ayaa inta badan lagu dhaliila inaysan qaadin talaabooyin si dhab ah looga hortagayo cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus, xili deegaanadeedana laga helay 5-kiis oo la xidhiidha cudurkaasi, midaasi oo sarre u sii qaadeysa cabsida laga qabo in gudaha Somaliland uu si weyn ugu faafo cudurkaasi.