Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in qalab muhiim ah ay kala wareegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.
Wasiirka wasaaraddaasi, Mudane Cumar Cali Cabdullaahi (Bade) ayaa sheegay in qalabkaasi loogu tala-galay baaritaanka cudurka faafa ee Coronavirus.
Bade ayaa tilmaamay in markii hore baaritaanka ay u diri jireen dalka Kenya, islamarkaana ay waqti badan ku qaadan jirtay inay jawaabta helaan.
Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay inuu u mahad-celinayo ha’yadda WHO oo horay qalabkaan u ballan qaaday, islamarkaana haatan ku wareejisay.
Ugu dambeyn wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa shaaciyey in aysan jirin illaa iyo hadda kiisas cusub oo la xarira xanuunkasasi.
Somaliland ayaa horay u xaqiijiisay illaa labo kiis oo COVID-19 ah, kuwaas oo haatan ku jira xaalada karantiil ah.