Somaliland oo hor istaagtay tababar uu Sheekh caan ah ku qaban lahaa Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa is-hortaagtay, isla markaana joojisay Tobabar uu qaban lahaa Sheekha caanka ah ee Maxamed Idiris, kaasi oo uu qorshuhu ahaa in lagu galo lacag dhan $10.

Jaamac Xaaji Axmed, Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ayaa sheegay in tobabarka Sheekhaasi uu qaban lahaa ay joojisay xukuumadoodu, isagoona xusay in magaalada Hargeysa aan marnaba laga furi karin tobabaro ay xukuumadooda ka war hayn.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay oo carabkana ku adkeeyay, in ayna marnaba aqbali karin in shaqsi jiritaanka Somaliland ka soo horjeeda uu gudaheeda ku qabto tobabaro ama kulanaba.

Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu yiri ” Ma Jirto wax Muxaadarro ah oo aanu joojinay, laakiin wax loogu yeedhay Tobabbar ayaanu anagu joojinay, Tababbarro aanay Dawladdu ogayna in laga furo  Magaalada ma haboona, Qofka doonaya inuu Cid tababbar u furo waa inuu soo maraa laamaha Dawladda ee ay khusayso”.

“Sheekhu hadduu siyaasad galo, sheekhu waa sheekhe waxaana lagu yaqaana in uu dadka wacdiyo, inuu masaajidada ka jeediyo muxaadarooyin, laakiin hadduu siyaasad galo oo dowladaha aflagaadeeyo, isaga laftiisu hadduu siyaasad galo hadana siyaasadii uu ka soo horjeday uu yimaado oo uu yidhaahdo tobabara ka furaya, midaasi laftigeedu lama yeelayo”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Cidkasta oo qaranimada Somaliland ka soo horjeeda ama wax ka sheegta ma aqbaleyno in ay halkan tobabaro ka furaan iyo inay kulamo ku qabtaan, qaranimada Somaliland kuma joogto ‘Cayaayir’ waadna ogtihiin dalkeena halgan dheer baa loo soo galay, kumanaan dhalinyara ku dhintay, kumanaan hooyooyina ayaa asey u qaaday”.

“Haddii cidi aragtay Hargeysa oo qurux badan, iyo Somaliland oo qurux badan oo fooqaq dhaadheer iyo wadooyin qurux badan ay ka dhisanyihiin, ilaahay baanu ugu mahad-naqeynaa nabad-gelyada iyo nimcadaa nasiiyey, laakiin halgan baa loo soo maray lamana aqbalayo ninka leh qaranimada Soomaaliya waa muqadas, oo Somaliland maaha waxjirta”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa