Somaliland oo caalamka ku canaanatay hal arrin oo ay sheegen inay ka gaabiyeen

Hargeysa (Caasimada Online) ― Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir [Faratoon], Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa ka hadlay halka ay marayaan arrimaha wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, isagoona xusay caqabaha ku gadamaan wada-hadaladaasi.

Wasiir Faratoon ayaa waxa kale oo uu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka gaabisay wada-hadaladaasi, isla markaan aysan diyaar u aheyn wada-hadal midho dhala oo ay la gasho dowladda aan weli la aqoonsan ee Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu beesha caalamka ku canaantay in ay iyaguna ka gaabiyeen doorkii aqoonsi raadis ee ay Somaliland ku baadi-goobeysay sidii ay dalalka caalamka uga hli laheyd aqoonsi buuxa oo ay ku noqoto dal madax-banaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Mowqifka aynu ka taagan nahay wada-hadalada, weynu muujinay, oo qodobo ayeynu ka soo saarnay, weyna jiraan wadamo badan oo xiisaynaya in labada Dal wada-hadlaan, balse ilaa hadda Soomaaliya ayaan u muuqan inay diyaar u tahay wada-hadalada”.

“Waxaana jira Wadamo badan oo xaqiiqada og oo doonaya in Somaliland madax-banaanideeda ku teegaraan, si aqoonsigeeda u hesho, inaguna dadaal baynu ugu jirnaa  iyo inaynu helno aqoonsi caalamiya”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Adduunku wuu ka gaabiyey wixii waajibkooda ahaa oo ah inaynu ka helno aqoonsiga oo aynu xaq ugu leenahay, madaama aynu nahay dal jira oo ka mid ah caalamka”.

“Habeen iyo maalinba waxaynu ugu jirnaa dadaal iyo orodba sidii aynu cid walba ugu qancin lahayn madax banaanideena, dawladnimadeena iyo inaynu Soomaaliya kala nahay laba dal oo jaara ah, oo kala nidaam iyo kala hadaf ah”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa