26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Somaliland oo hub culus iyo rasaas u adeegsatay arrin ka taagan gobolka Sool

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa bilowday hab cusub oo ay kula dagaalameyso Ayax baahsan oo ku habsaday deegaano balaadhan oo ka tirsan maamulkeeda.

Somaliland ayaa rasaas iyo hubka dagaalka ee daran-dooriga u dhaca u adeegsatay Ayaxaasi oo koox koox u wada socday, isla markaana si weyn u qabsaday deegaano ka tirsan gobolka Sool oo ay dhul beereed baaxad weyn ku yaalan.

Waxa saacadihii la soo dhaafay lagu arkayey baraha bulshada muuqaalo muujinaya Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland, oo hubkaasi u adeegsanaya Ayaxaasi, si looga cayriyo dhulkaasi uu ku habsaday.

Ciidamadaasi ayaa sidoo kale waxa ay adeegsanayeen dhawaaqa dheer ee gawaadhida dagaalka, si loogu kala eryo Ayaxaasi baahsan ee faraha ba’an ku haya, iyagoona rasaas kala go’ laheyna hawada ugu ganayey.

Habkan cusub ayaa kamid ah dadaalo ay Somaliland ku dooneyso inay kula tacaasho Ayax faro badan ku haya deegaano ka tirsan maamulkooda oo u badan dhul beereed.

Somaliland ayaa hore ugu aqoonsatay Ayaxan ku habsaday qaar kamid ah deegaanadeeda ‘Musiibo qaran’ oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto.

- Advertisement -

Read more

Local News