CC Shakuur oo si shaacsan uga towbad keenay gefkii ka dhacay, cafisna dalbaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishuur Warsame oo ayaa caawa si shaacsan ugu dhowaaqay inuu Allah uga towbad keenay gefkii ka dhacay, wuxuuna weydiistay cafis.

“Waxaan rabaa mar kale inaan cadeeyo xadiishkiis Nabiga CSW ee doodu ay ka dhalatay inaana diidaneyn oo aan ictiraafsanahay xadiiskaas inuu yahay mid saxiix ah, waxaan kaloo ictiraafsanahay sida Nabigeena Muxamed NNKH uu fasiraadda uga bixiyey, waxaan kaloo ictiraafsanahay diinteena Qur’aanka Kariimka iyo sunnada Nabiga CSW inay tahay diinta xuquuqda ugu badan siisay haweenka, sidaas darteed wax kasta oo khalad ah oo khudbadaas ku jiray waxaan Ilaahey subxaanahu watacaalaa weydiisanayaa inuu iga cafiyo, waana uga towbad keenayaa” ayuu yiri CC Shakuur Warsame.

Cabdiraxmaan oo sii hadlayey ayaa sheegay inuu jiro dhaqan guracan oo bulshadeena ka dhex jira iyo fasiraad khaldan oo uu sheegay in diinta laga sameeyay.

“Waxaan markasta diidanahay oo u taagnaa doonaa iyadoo diinteenu ay xuquuqda ugu badan siisay haweenka inuu jiro dhaqan guracan oo bulshadeena ku dhex jira, fasiraad khaldan oo diinta laga sameeyey oo lagu dulminaayo xuquuqda dumarka, kaas oo aan anigu diidanahay  waxaan ahay qof u taagan inuu ka hor tago oo dulmigaas ka dhiidhiyo, difaacana xuquuqda dumarka ay siisay shareecada islaamka” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cabdiraxmaan.

Ugu danbeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri, “Dhamaan doodihii ka dhashay khudbadeydii waan la socday in tooda badan tan culumada , tan siyaasiyiinta iyo tan bulshadaba, dhamaan waan cafiyey dadkaas kuwa iga soo horjeeday iyo kuwa itaageerayaba, iyagana waxaan ka dalbanayaa inay i cafiyaan, arrintu halkaas ha ku dhamaato, culumadana waxaan ugu baaqayaa inaysan la kala safan siyaasiyiinta, kuwa aan hadda siyaasada isku heyno anigaaba ku dhaama diintee haddey cid la safanayaan waxay aheyd inay aniga ila saftaan.”

Hoos ka daawo muuqaalka