Faysal Cali oo shaaciyey magaca maamulka ay DF ‘ka dhiseyso’ Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid oo hore u sheegay in Dowladda federaalka Soomaaliya ay gudaha Somaliland ka wado dhismaha maamul goboleed cusub, ayaa maanta shaaciyay magaca maamulkaasi.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Maamulkaasi cusub ee Dowladda federaalka ka sameeynayso deegaanada Somaliland, lagu magacaabo ‘Makhir State’, isla markaana ay ka hirgelinayso Sanaag, Sool iyo Cayn.

Faysal Cabdi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Dowladda federaalku ay rabto inay kala jar-jarto Somaliland oo ay gudaheeda ka sameyso maamul ka madax banaan maamulkeeda.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid, ayaa ka dhawaajiyey in dowladda federaalka Soomaaliya ay maamul ka sameeyso Somaliland ay u fududeynayso muranka ka taagan gudaheeda, isagoona xusay in Dowladda federaalku ay arrintaasi u igmatay safiirka u fadhiya Itoobiya C/xakiin Cameey, wuxuuna yiri

“Nin la yidhaahdo Camey ayaa Safiir looga dhigay Itoobiya, waa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland, Ninkaa waxa meesha loo geeyay inuu Somaliland qaso oo uu jarjaro, Shalay wuxuu la fadhiistay Ninka Turkiga u qaabilsan Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu isku geeyay Ninka la yidhaahdo Dhoobo-daareed”.

“Waxaana markaa la wadaa wax la yidhaahdo ‘Makhir State’ oo ah Sanaag, Sool iyo Cayn, taas ayaa hadda IGAD laga soo ansixinayaa, horena wuxuu u casuumay Ugaaska Samaroon, Ugaas Cabdirashiid, Suldaan Siciid oo ah Suldaanka Badhan iyo Fahad Yaasiin”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaas ayaa innagu socda iyo Somaliland loo jarjaro sida Soomaaliya oo laga dhigo Dawlad Gobolleedyo, taasina way suurto-galaysaa haddaynaan innagu beenayn, waxaana waxa inaga qarinaya Muranka gudaheeda”.